Maxaa ka soo baxay kulan uu Madaxweyne Xasan sheekh la qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ?

Maxaa ka soo baxay kulan uu Madaxweyne Xasan sheekh la qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliiska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada .

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada amiga dalka, dagaalka ka dhan ka ah Al shabaab iyo qodobo kale.

“Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda warbixinno ku saabsan howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada” ayaa lagu yiri War kooban oo ay soo saartay Madaxtooyada .

Ma jiro illaa hadda go’aanno la sheegay iney ka soo baxeen kulankaas oo ahaa mid xasaasi ah oo ku soo Aadaya xili dowlada Somalia uu khilaaf kala dhexeyso dowlada Itoobiya kaas oo ka dhashay Heshiiskii uu Muuse Biixo la galay Abiye Axmed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com