HOGGAAMIYE KUXIGEENKA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA KORMEER SHAQO KU TEGAY TALISKA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA CAYN

HOGGAAMIYE KUXIGEENKA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA KORMEER SHAQO KU TEGAY TALISKA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA CAYN

Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kormeeray Taliska Qaybta Booliska gobolka Cayn. Kormeerkan waxa ku wehelinayay Maayar kuxigeenka degmada Buuhoodle, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka SSC-Khaatumo iyo masuuliyiin kale.

Ugu horrayn, Hoggaamiye kuxigeenka ayaa salaan ka qaatay ciidanka saldhigga dhexe, waxana uu warbixin ka dhegaystay Taliyaha booliska G. Cayn Gaashaanle sare Fatxi Cabdikariim Ismaaciil.

Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa uga mahadnaqay ciidaanka booliska gobolka Cayn ilaalinta shacabka iyo nabadgalyada gobolka, waxa uuna ku boorriyey inay laba jibbaaraan la dagaalanka khamriga iyo waxyaalaha lidka ku ah nabadgalyada shacabka. Waxa kale oo hoggaamiyuhu sheegay in boolisku yahay saaxiibka dadweynaha loona baahan yahay in ay shacabka iyo boolisku isla shaqeeyaan si loo helo xasillooni

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com