Duqeymo lala beegsaday Goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Duqeymo lala beegsaday Goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Saacadihii la soo dhaafay duqeymo diyaaradeed ayaa waxaa ay ka dhaceen degaano kuyaalla xadka u dhaxeeya Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Diyaaradaha dagaal ayaa sigaar ah waxaa ay duqeymaha uga fuliyeen degaanka Cali Hayle ee u yaala xadka Galgaduud iyo Sh/dhaxe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab, balse aysan shaacin khasaaraha rasmiga ah ee Al-Shabaab lagu gaarsiiyay duqeyntaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheysay in la xoojiyo Howlgalka dhanka hawada ah wixii ka dambeeyay Shirkii Gaashaandhiga dhawaan ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, waxaana xigi doono dhawaan Howlgallo cir iyo dhul ah oo la isugu furi doono Hirshabelle iyo Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com