Laamaha Amniga Gobolka Mudug oo Gacanta ku dhigay Gaari Shidaal iyo Raashin u waday Al-Shabaab

Laamaha Amniga Gobolka Mudug oo Gacanta ku dhigay Gaari Shidaal iyo Raashin u waday Al-Shabaab

Laamaha Amniga Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay Gaari NOHO ah oo siday Shidaal iyo buskud dhiiq iyo labo nin oo la socotay, kaas oo la sheegey inuu ku wajahnaa Degaanada Dumaaye Iyo Dabalo ee Koofurta Gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Gaarigaan oo laga raray degmada Gaalkacyo ayay sheegeen laamaha amnigu inay kor kala socdeen dhaq dhaqaaqiisa maalmihii lasoo dhaafay, isla markaana markii rarka loo dhamaystiray ay gacanta ku dhigeen Ciidamadu, Gaariga iyo labo nin oo wadatay, sid uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliye ku xigeenka Ciidanka Turba taaryada Gobolka Mudug oo hoggaamiyay howlgalkaan guulaystay.

Ururka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ay wajaheen weerarada ay kala kulmeen Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka waxaa soo wajahay dhibaatooyin xoogan, iyada oo dhowr jeer gacanta lagu dhigau Shidaal iyo Raashin loo waday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com