Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo shirgudoomiyay kulan Xasaasi ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo shirgudoomiyay kulan Xasaasi ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullahi Cali Xirsi {Timacadde} ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Kalfadhiga 5-aad ee guddiga joogtada Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa is-xogwaraysi guud ayaa guddoomiyuhu warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee guddiyada wuxuu ka dhagaytsay Guddoomiyayaasha guddiyada golaha, iyaga oo si faahfaahsan ula wadaagay qorshe howleedkooda, arrimaha hortebinta u leh iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa ku ammaanay xubnaha guddiga joogtada ah isku xirka wada shaqaynta dhexdooda ah iyo dadaalka ay ugu jiraan dabagalka, kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqadooda ayna dardar geliyaan,waajibaadka loo xilsaaray guddi walba.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com