Israa’iil oo duqeyn ku dishay Shaqaale katirsan Hay’adda Qaramada Midoobay

Israa’iil oo duqeyn ku dishay Shaqaale katirsan Hay’adda Qaramada Midoobay

Israa’iil ayaa duqeyn ka geysatay iskuulka al-Jaouni ee ay Qaramada Midoobay maamusho oo ku yaalla bartamaha Qasa markii shanaad tan iyo bishii Oktoobar, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18 qof oo u badan carruur iyo haween.

Weerarkan waxaa kaloo ku dhintay 6 ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Qaramada Midoobay Falastiin ee UNRWA. Hay’adda ayaa sheegtay in ay tahay tiradii ugu badneyd ee dhimashada hal dhacdo ee shaqaalaheeda soo gaarta 11 bilood ah.

Israa’iil ayaa sare u qaaday duqeymaha ay la beegsanayso xarumaha dadweynaha ay ku barakaceen ee Qasa, tallaabo u muuqata in lagu cadaadinayo Xamaas iyo mid lagu jabinayo adkaysiga dadka reer Qasa, xilli ay Israa’iil ku dhibaatoonayso natiijo sawir guul ah oo ay ka gaarto duulaanka ay Qasa ka wado 11 bilood.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com