Wacaal daray ah: dagaal dib uga qarxay degaanka Buq-qallooc ee gobalka Mudug

Wacaal daray ah: dagaal dib uga qarxay degaanka Buq-qallooc  ee gobalka Mudug

Deeganka Buq-qallooc oo hoostaga Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ayaa dagaal khasaaro kaladuwan geystay ka bilowday aroornimadii saaka isagoo illaa hadda soconaya walina aysan jirin cid kala dhex gashay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleyshiyo beeledyo ka soo kala jeeda Deeganka Buq-qallooc iyo Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug kuwaaso billihii u dambeeyay isku hor fadhiyey inta u dhaxeysa labadaas deegaan.

Dagaalka ayaa loo aaneynayaa in uu salka ku hayo xuduudaha laba qabiil ee labada maamul ee Puntland iyo Galmudug iyo kambaniyo shisheeye oo macdan baar ah.

> Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com