Diyaaraddaha dagaalka ee Suudaan oo duqeeyay xero milatari

Diyaaraddaha dagaalka ee Suudaan oo duqeeyay xero milatari

Diyaaraddaha dagaalka ee Suudaan ayaa si kam ah u garaacay xero milatarigu leeyahay oo ku taala magaalada Al-Faashir, halkaas oo ay ku dhinteen shan askari, kuna dhawaacmeen sagaal kale.

Sedexdii maamlmood ee ugu dambeeyay waxa si weyn u xoogeystay dagaalka dhexmaraya ciidamada milatariga Suudaan iyo xoogagga sida milatariga u tababaran ee RSF.

Illo wareedyo ka tirsan milatariga ayaa laga soo xigtay in si lama filaan ah loo garaacay xero ay daganaayeen ciidanka dhulka oo doonaya in ay hor istaagaan kooxaha RSF oo doonaya in ay soo galaan magaalada Al-Faashir.

RSF tan iyo bishii May waxay isku dayayeen in ay qabsadaan magaalada Al-Faashir.

Xaaladda dadka rayidka ayaa aad uga sii daraysa aaggaasi.

Adeegga caafimaadka ayaa aad ugu yar kaddib markii xooggaga RSF ay weerareen isla markaana bililiqeysteen isbitaal kii magaalada Al-Faashir Cuntada ayaa gabaabsi ah.

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in weerarka RSF dartiis aan gargaarka la gaarsiin karin xeryaha dadka gudaha ku barakacay, halkaas oo ay ku nool yihiin kumannaan caruurra oo nafaqo daro ba’ani hayso, wajahayana xaalad khatara.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com