shir looga hadlayo Erey bixinta Af-Soomaaliga oo Muqdisho ka furmay

shir looga hadlayo Erey bixinta Af-Soomaaliga oo Muqdisho ka furmay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay shirka erey bixinta Af-Soomaaliga ee Tiknoolajiyadda.

Shirka oo looga hadlayo sidii uu Afka Soomaaligu ula jaanqaadi lahaa isbeddelka tiknoolajiyadda, loona heli lahaa erey bixin ku habboon oo loo adeegsado, ayaa waxaa ka qeyb galaya aqoonyahanno iyo khubaro ku xeel-dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo furitaanka shirka hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu xilligani u leeyahay dalka in la helo ereyo ku habboon isticmaalka teknoolajiyadda, si loo ilaaliyo af Soomaaliga, loogana maarmo adeegsiga ereyo laga soo minguuriyey afaf kale oo qalaad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com