Ra’iisal Wasaare Xamse iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Maraykanka

Ra’iisal Wasaare Xamse iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Maraykanka

Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay saaka magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay oo uu kaga qaybgalayo Kalfadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Halku dhigga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta binii’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga ah, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaashaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com