Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka maalintii labaad ka socda Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka maalintii labaad ka socda Muqdisho

Shirka Golaha wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta galaya maalintii labaad.

Shirkan oo uu guddoominayo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka qeyb galayaan Raysal wasaare Xamse, ku xigeenkiisa, Madaweynayaasha dowlad goboleedyada kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeele, iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka maanta ayaa la sheegay in madaxda ay diirada ku saari doonaan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, amniga iyo siyaasadda.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale sheegaya in madaxda golaha wadatashiga Qaranka ay si gaar ah uga doodaya qoddob la xariira hirgalinta doorashada, xili qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada uu ka dhamaaday mudo xiloodkoodii, islamarkaasna ay mucaaradka dalbanayaan in la qabto doorasho.

shirkaan ayaa waxaa ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo khilaaf auu kala dhaxeeyo madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com