GUDOOMIYAHA DEGMADA OO KULLAN LA QAATAY GUDIGA XALINTA KHILAAFADKA DHULKA EE HEER DEGMO.

GUDOOMIYAHA DEGMADA OO KULLAN LA QAATAY GUDIGA XALINTA KHILAAFADKA DHULKA EE HEER DEGMO.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Mudane, Maxamed Cabdirisaaq Dacad ayaa maantay kullan xafiiskiisa kula yeeshay xubnaha Gudiga Xalinta Khilaafadka Dhulka ee Degmada Gaalkacyo.

Kullanka oo ay qayb ka ahaayeen Xoghaayaha Degmada Mudane Ukun Cabdicasiis Maxamed iyo Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Maxamed Maxamuud Cali Goojacade ayaa u jeedadiisu ahayd, dardar galinta howlaha gudigu u xilsaaran yahay ee galida muranada iyo khilaafyada ka dhashada isku qabsiga Dhulka banaan iyadoo ay guddigu ka warbixiyeen hawlahooda shaqo ee loo idmay halka ay waxmarayaan iyo kiisaska taagan iyo kuwa cusub.

Sidoo kale, Mayor Mohamed Daacad oo ka duulaya qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka Degmada ee Qorshaynta Magaalada (Town Plan-ka), Bixinta Jidad cusub iyo iyo kor-u-qaadida bilicda ayaa Gudiga faray inay dardar galiyaan shaqooyinkooda si loo helo xal-waara oo ka dhan ah caqabaha dhulka | Najiib Xassan Wacdi

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com