ATMIS ayaa ku dhawaaqday in ay ku wareejisay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan Kismaayo saldhigga Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka dhigan guul wayn oo laga gaaray wajiga saddexaad ee dhimista ciidamada.
Injineerka Guud ee Milatariga ATMIS, Gaashaanle Sare Suleiman Ibrahim ayaa ku ammaanay ciidanka KDF sida ay uga hortageen Weerada Al-Shabaab, una horumariyeen nabadda & xasilloonida gobolka.
Gaashaanle Sakariye Maxamed Cumar oo ka socday Waaxda Qorshaynta Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa ammaanay dadaalka ciidanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey sida guutada ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee la wareegi doonto saldhigga ay ugu dadaali doonto ilaalinta shacabka.
Waxaa Munaasabada Wareejinta ka qaybgalay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan QM iyo ATMIS, sida Wakiilka UNSOS u qaabbilsan Qorshaha Kala-guurka, Santosh Koka, Taliyaha Qaybta 2, Sarreeye Guuto Seif Salim Rashid, Ku Xigeenka Taliyaha Qaybta, Gaashaanle Sare Meshack Kishoyian, Madaxa Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Gaarka ah ee ATMIS, Sekou Trawally, Taliyaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee saldhigga la wareegi doono, Gaashaanle Hud Tohwari, iyo Taliyaha xilka wareejinaya, Gaashaanle Joseph Kamargr
COMMENTS