Kooxda RSF oo lagu Eedeeyay Xasuuq ka dhacay dalka Suudaan

Kooxda RSF oo lagu Eedeeyay Xasuuq ka dhacay dalka Suudaan

Kooxda RSF ee Suudaan ayaa muddo saddex maalin ah ku dilay 124 qof oo rayid ah 200 kalena dhaawacay, kaddib weerar ay ku qaadeen gobolka Gezira, iyagoo maalin gudaheed 50 qof ku dilay deegaanka Al-Sireha oo gobolkaa ka tirsan , waxaa kalo ay halkaa ka geysanayaan dhac iyo burbur xoog leh oo ay u geysteen deegaannada ku yaalla gobolka Gezira, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Dagaalka ay gobolkaas ay ka wadaan RSF oo midkii ugu dhimashada badnaa waqti kooban lagu sheegay muddada siddeeda iyo tobanka bilood ee dagaalka uu ka socdo Suudaan ayaa hadda la sheegay dilalkan arxan darrada ah inay u fulinayaan RSF , si ay uga aargoostaan taliyahoodii ka tirsanaa iyaga ee maamullayay bariga gobolka Gezira, Abuagla Keikal oo hadda u goostay dhinaca militariga Suudaan, sida uu telefishinka Al Jazeera ka soo xigtay siyaasiga Suudaaniga ah ee Amgad Faried.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com