Munaasibad balaaran oo uusoo qaban qaabiyey Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, Munaasibadan ayaa ujeedadeedu ahayd adkaynta midnimada Warbaahinta Puntland iyo xalinta khilaaf jirey oo ka dhashay doorashadii Guddoonka Ururka oo xal laga gaarey.
Qayb kamid ah Xubnaha Ururka oo sameeyey Ururka PJU ayaa dib ula midoobey Ururkooda MAP, Iyagoo u tanaasuley midnimada iyo wadajirka Ururka, waxayna maanta madsha ka shaaciyeen inay qaateen heshiis midnimo oo wax shuruud ahi ku xirnayn.
Munaasibadan balaaran waxaa ka qaybgalay 60 wariye oo ka socda bahda warbaahinta, Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Eng Maxamed Ciise, Afhayeenka Madaxtooyada ahna agaasinka xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani, Guddoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane, iyo qaybaha kala duwan ee bahda warbaahinta Puntland intooda ku sugan Garoowe.
Hadalo ay madasha kajeediyeen aasaasayaashii PJU oo u hadleen Shareeco Yaasiin Shareeco, Maymuun Cabdirisaaq Khaliif, yuusuf Maxamed Maxamuud iyo Axmed Maxamed Cabdiraxmaan (Axmed Sakir) , ayay ku faahfaahiyeeen wada hadalada Ururka MAP iyo PJU oo socdey mudo 4 bilood ah, ugu danbayna kusoo dhamaaday heshiis iyo isfaham labada dhinac gaareen, waxayna u mahadceliyeen doorka Wasaarada Warfaafinta Puntland ee isu keenida iyo dhex dhexaadinta labada dhinac.
Khabiir warbaahineed Burhaan Axmed Daahir, i Xoghayaha guud ee MAP Naciima Muuse Cilmi yo Guddoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane oo dhankooda hadalo ka jeediyey ayaa bogaadiyey isfahamka iyo midnimada taasoo horseedaysa horumarinta warbaahinta iyo xoojinta doorka warbaahinta ee jihaynta dalka.
Ugu danbayna waxaa munaasibada soo xiray Wasiirka Warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir, wuxuuna u mahadceliyey Ururka MAP iyo Wariyayaashii aasaasay PJU oo gartay inay midoobaan isuna tanaasulaan, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey aasaasayaashii PJU oo qaatay midnimo iyo tanaasul shuruud la’aan ah.
COMMENTS