Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ayaa ku Eedeeyay Dawlada Federaalka iyo Maamulada kale Dawlada Soomaaliya hoostaga aanay ogoleyn in Soomaaliland ay noqoto Dawlad Xiriir la sameysa Caalamka
Waxa uu sheegay in intii uu xilka hayay uu xiriiro badan Somaliland la sameeyay Kenya iyo waddanka Gini oo ay dowlada Soomaaliya xiriirka u jartay, isaga oo sheegay in sidoo kale, heshiis aqoonsi horseedi doona uu la galay Itoobiya.
Muuse Biixi ayaa shacabka Soomaaliland ugu baaqay in ay midoobaan xiligan doorashada lagu jiro, isaga oo sheegay in Somaliland uu dagaal ku socdo, isla markaana ay dowlada Soomaaliya ugu wayntahay dadka colaada ku haya.
FAALLOOYIN & FALCELIN