Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Qaahir ee dalka Masar ka daahfuray kulanka kor u qaadista arrimaha xalka waara ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo maalgelin lahaa horumarka magaalooyinka, si loo xoojiyo xalka waara ee loogu talagalay dadka barakacay iyo guryeynta bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa in mashruucan uu si gaar ah u xoojinayo guryeynta dadka barakacayaasha ah, iyo sidii loo siin lahaa taageero dhaqaale iyo mid farsamo oo ay kaga bixi karaan xaalada adag ee ay ku jiraan.
FAALLOOYIN & FALCELIN