Axmed Maxamed Islaan ‘Madoobe’ oo mar kale loo doortay madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Maxamed Islaan ‘Madoobe’ oo mar kale loo doortay madaxweynaha Jubbaland.

Doorashadii madaxtooyada Jubbaland oo.maanta ka dhacday Kismaayo ayaa markii saddexaad madaxweyne loo doortay Axmed Maxamed Islaan ‘Axmed Madoobe’ oo in ka badan 12 sano soo xukumayey maamulkaasi.

Wareeggii koowaad codbixinta baarlamaanka ayuu ku guulaystay codad dhan 55 cod oo u dhigtanta saddex meelood labo ka mid ah baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 75 xubnood, iyadoo sharciguna uu dhigayo cidda heshaa saddex meelood labo ka mid ah codka baarlamaan wareegga koowaad in uu noqonaya madaxweynaha, tartankuna uu halkaas ku joogsanayo.

Labo musharrax ayaa kula tartamay kursiga madaxweynaha, kuwaasi oo wareeggaas koowaad ku helay codad dhan 20 cod isku geyntooda, waxaan ay kala ahaayeen Faysal Maxamed Mataan oo helay 16 cod, iyo Abubakar Cabdi Xasan oo helay 4 cod.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com