Maamulka Degmada galkcyo ayaa saaka daah-furay olole balaaran oo dib u dayactir loogu sameynayo 11 waddo oo kamida wadooyinka halbowlaha ah ee Magaalada Gaalkacyo oo ay saameeyeen roobabkii kale duwanaa ee ka da’ay Degmada.
Munasabada daah-furka ololaha oo lagu daah-furay 2km oo ah wadada weyn ee isku xirta xabsiga gaalshiraha iyo laamiga ayaa waxaa kasoo qayb galay Maamulka Gobolka, Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Masuuliyiin kasocota shirkadaha Pha iyo Wadaagsin, odaysha dhaqanka, iyo Masuuliyiin kale.
Maayor Maxamed Dacad ayaa u mahadceliyay masuuliyiinti & bulshadii qaybta ka ahayd hirgalida Mashruucan dadaalka wanaagsan ay muujiyeen, waxuuna ugu baaqay dadwaynaha Gaalkacyo in ay ka qayb qaataan ololaha cusub ee lagu hagaajinayo wadooyinka Magaalada |
Diwaanka wararka Radio Daljir
COMMENTS