SHABAKAD MUSUQMAASUQDA DEEQAHA WAXBARASHADA DALKA MASAR OO HOOSTIMAADA WASIIR FAARAX CABDUQAADIR

SHABAKAD MUSUQMAASUQDA DEEQAHA WAXBARASHADA DALKA MASAR OO HOOSTIMAADA WASIIR FAARAX CABDUQAADIR

SHABAKAD MUSUQMAASUQDA DEEQAHA WAXBARASHADA DALKA MASAR OO HOOSTIMAADA QUNSULKA DHAQANKA SAFAARADDA SOOMAALIYA IBRAAHIM DALXA IYO WASIIR FAARAX CABDUQAADIR OO FARA BA’AN KU HAYSA ARDEYDA SOOMAALIYEED EE MASAR

In muddo ah waxaa Daljir la soo xiriirayey waalidiin iyo ardey Soomaaliyeed oo waxkabarta dalka Masar, badankooduna haysta deeqo waxbarasho. Ardeyda iyo waalidiinta ayaa ka cabanaya waxa ay ugu yeereen shabakad isku xiran oo ‘mafia’ ah oo deeqaha waxbarasho ama scholarships-yada ka ganacsada.

Shabakadda oo ka hawlgasha Safaaradda Soomaaliya ee Masar uuna xukumo Qunsulka Hidaha, Dhaqanka iyo Waxbarashada ee Safaaradda Soomaaliya Ibraahim Dalxa (Cultural Attaché) oo uu dhalay Xildhibaan Prof. Dalxa waxa ay si toos ah u hoostagta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Wasiir Faarax Shiikh Cabduqaadir.

Ardeyda iyo waalidiinta ayaa ka cabanaya in markii ardeygu uu deeq waxbarasho ku yimaado Masar la weydiiyo in uu bixiyo lacag dhan $5,000 si loogu soo saaro waxa ay ugu yeeraan dukumentiga joogitaanka dalka ee deeqda waxbarsho. Ardeygii aan lacagtaas bixin waxaa loogu hanjabaa in Scholarship-ka laga burinayo, dibna loogu celinayo dalkii.

Waalidiinta iyo ardeyda ayaa Daljir ku wargaliyey in ardeyda Soomaaliyeed oo dhan aysan ka sinneyn handadaadda iyo baadda oo waxaa si gaar ah loo beegsadaa ardeyda Puntland, SSC iyo kuwa Jubaland. Ardeyda qaar ayaa Daljir u sheegay in Ibraahim Dalxa iyo wakiilkiisa lacag-arurinta Dr. Liibaan Gaas ay si toos ah ardeyda iyo waliba waalidiinta inta la waco loo sheego, “war lacagta bixiya ama boorsooyinkiina xirxirta.”

Wasiir Faarax Cabduqaadir oo ay waalidiinta qaarkood la xiriireen, kana cawdeen dhibka Masar ka socda iyo waxa ay ugu yeereen “baadda” lala beegto carruurtooda ayaa xoghaynta xafiiska Wasiirku ugu jawaabay “hawsha safaaradda ayaa masuul ka aha ee raaca waxa la idin kula taliyo.” Waalidiinta ayaa Daljir sidoo kale u sheegay in dacwaddu ay gaartay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, laakiin se uusan waxba kama qaban.

Dacwadda oo hadda gaartay safiirka cusub Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa Safiirku kaarka safaaradda hadda kala laabtay Liibaan Gaas, laakiin Liibaan oo haysta kalsoonida Wasiir Faarax Cabduqaadir shaqadiisa sidii buu u wataa, asaga oo safaaradda gudaheeda iyo bannaankaba si gooni u ah ugula shira Ibraahim Dalxa, ardeydana sidii lacagta uga urursada.

Dacwadda Ibrahim Dalxa oo joogto noqotay ayaa si kasta oo bulshadu u dacwooto noqday nin lama taabtaan ah, taas oo bulsada Masar ku macneeyeen laba siyood:

1. Markii la damco in la bedelo qunsul Ibraahim Dalxa aabihi Prof. Dalxa oo ah Lataliyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa qaada tallaabooyin, sida waalidiintu Daljir u sheegeen, ay adagtahay in la baddalo Qunsul Ibraahim Dalxa
2. Ibraahim Dalxa iyo Liibaan Gaas oo haysta kalsoonida Wasiir Faarax Cabduqaadir, salka xiriirkuna yahay, sida waalidiintu Daljir u sheegeen, kala goosashada lacagta laga baado ardeyda Soomaaliyeed
Daljir kala soco wareysiyo waalidiinta ardeyda Soomaaliyeed ee Masar.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com