Dharjaale: Faahfaahin dheeraad ah, ayaa kasoo baxaysa dagaal deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari saaka ku dhexmaray ciidada Puintland iyo Kooxda Daacish ee buuraleyda Calmiskaad, dagaalka saaka wuxuu ku bilowday weerar Ismiidaamin ah oo uu fuliyey baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu weeraray fariisin kamid ah kuwa ciidamada Puntland.
Intaas kadib waxaa bilowday dagaal toos ah oo dhexmaray cidianka Puntland iyo maleeshiyaad lug ah oo ka danbeeyey baabuurka is qarxiyey, Saraakiil ciidan oo ku sugan furinta hore ayaa Daljir u sheegay dhamaan kooxdii weerarka soo qaaday ay dagaalka ku dhinteen.
Afhayeen u hadlay ciidanka Puntland ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inay dileen 8 qof oo u dhashay dalal shisheeye oo kamid ah maleeshiyaadka weearka soo qaaday” Geesiyaasha har iyo habeen u taagan Difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8xubnood, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka lagaarsiiyey Argagixisada Daacish.,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ciidanka Puntland.
Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada oo ay duubeen Askar isticmaala Aaladaha Internet ka ayaa muujinaya Maydad dad Anaajiib ah oo ku dhintay dagaalka saaka dhacay.
Puntland ayaa mudooyinkii danbe qorshaynaysey duulaan ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleyuda Calmiskaad, weerarka saaka lagu soo qaaday ciidanka Puntland ayaana noqday bilwoga dagaalka labada dhinac.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir
COMMENTS