Ma maqashay daroogada CAPTOGAN? Ma maqashay LSD? Waa daroogooyin ku cusub Soomaalida laakiin aad looga yaqaan sirdoonka reer Galbeedka iyo Turkiga. Labada daroogo waxay aad u soo caanbexeen dagaaladii Ciraaq iyo kuwa Suuriya. Captogan oo ay ISIS Suuriya aad u isticmaasho waxaa loo yaqaan “daroogada dullaanka.” Waa daroogo markii uu qofku qaato ay baqdintu ka ba’ayso, amarka la siiyana sida uu yahay uu u fulinayo. Su’aal ka keeni mayo, oo waxa kaliya oo u arkaa waa fulinta amarka.
DAROOGOOYINKA KHATARTA BADAN EE ARGAGIXISADA LAGU MIIDAAMIYO OO LAGA HELAY GODADKA ISIS EE BUURAHA #CALMISKAAD
Ma maqashay daroogada CAPTOGAN? Ma maqashay LSD? Waa daroogooyin ku cusub Soomaalida laakiin aad looga yaqaan sirdoonka reer Galbeedka iyo Turkiga. Labada daroogo waxay… https://t.co/GEsBMEBheU pic.twitter.com/u5DGm6qzZi
— Daljir Media (@radiodaljir) January 27, 2025
‘Captogan’ kaliya ma aha oo waxaa lala qaataa daroogada kale ee khatarta badan ee CIA-du, waa sirdoonka USA, soo saartay sannado kahor, loona yaqaan LSD (Lysergic acid diethylamide) ahna maandooriye aan mid la siisto la lahayn. Sida Captogan, LSD waxa uu ku iloowsiinayaa qofka aad tahay oo xasuusta maskaxdaada ayuu tirtirayaa, waxaadna noqoneysaa wixii lagu sheego in aad tahay.
Dadka ismiidaamiya lama sixro, kaliya waxaa la siiya labadaas daroogo waqti hurdo la’aan ah kabacdi, deedna qofka oo ah qofka loo sheegay in uu yahay oo kaliya ayaa fulinaya amarkii la siiyey, ha ahaado weerar ama ha ahaado ismiidaamin.
Dadkaas haddii la qabto ma garanayaa qofka ay yihiin iyo cidda soo dirtay oo waa bilaa maskax, kaliya waxay xasuustaan amarka la soo siiyey. Saas oo ay tahay, haddii waqti iyo daawooyin sax loo helo, maskaxdooda waa la soo kicin karaa mar kale.
Labadaas daroogo oo ay aad u isticmaalaan argagixisada Soomaaliya ayaa hadda laga helay Buuraha Calmiskaad ee Puntland.
Dawladda Puntland weli kama ay hadlin daroogooyinka laga helay buuraha ISIS laga saaray ee Calmiskaad.
> Daljir Media
COMMENTS