Lavrov iyo Rubio iyo Wufuud Sare oo Ruushka iyo Mareykanka oo Saaka Riyaad Shir uga Bilaabmayo

Lavrov iyo Rubio iyo Wufuud Sare oo Ruushka iyo Mareykanka oo Saaka Riyaad Shir uga Bilaabmayo

Wax la sugaba waxaa saaka oo Talaado ah bilaabanaya shirkii aad loo sugayey ee Mareykanka iyo Ruushka oo looga wada hadlayo arrimo waaweyn oo dagaalka Ukraine uu yahay mid kamid ah qodobada wadaxaajoodka. Wafuudda timid waxaa horkacaya labada wasiir arrimo dibadeed iyo khubaro sare oo ka kala socda xafiisyada madaxweynayaasha labada dal.

Yuri Ushavok oo ah lataliye sare oo Putin, horena u ahaa safiirka Ruushka u fadhiya Mareykanka oo markii uu ka soo degay Riyaad warbaahinta la hadlay waxa uu yiri, “Qodobada ugu waaweyn ee shirku waa sidii annaga iyo Washington aan xiriirkii naga dhexeeyey soocelintiisa u xaqiijin lahayn.”

Hadalkaas oo ah hadal dibloomaasi ayaa loo fasiray in arrinka Ukraine ay ka horreeyaan arrimo kale oo ka muhiimsan ayna ugu mudanyihiin xiriirka labada dal. Haddaba maxaa dhici kara haddii la sooceliyo xiriirka Moscow iyo Washington. Sida ay fasirayaan xeeldheerayaasha siyaasaddu xiriirka labada dal oo caadi ku soo noqda waxa uu horseedayaa in waa mar e uu Mareykanku cunoqabateyna ka qaado Ruushka. Waa markale e in lacag dhan $280 oo bilyan USD oo Mareykanka iyo Yurub ay Ruushka ka xayireen degdeg loo fasaxo. Intaas markii Ruushku helo waxaa xigi doona ciidamada NATO ee ku sugan xuduudaha Ruushka illaa iyo Black Sea sidii looga xaajoon lahaa in laga wada raro.

Haddaba haddii Ruushka iyo Mareykabku ay qodobadaas isku fahmaan maxaa dhici kara? Sida ay fasirayaan xeeldheerayaasha siyaasaddu, haddii intaas la isku fahmo waxaa waa cusub oo lama filaan ah u beryayaa Yurub iyo dhammaan xufulada Mareykanka ee kalkii hore oggolaatay in la cunoqabateeyo Ruushka. Waa mar e ayaga oo aan lala tashan baa Mareykanku qaaday cunoqabateyntii. Waa markale e ayaga oo aan lala tashan baa lacagtii Ruushka la fasaxay. Waa mar saddexaad e fursadihii ganacsiga oo dhan waxaa helaya shirkadaha Mareykanka. Yurub, Canada, Koonfurta Kuuriya iyo Japan iyo dhammaan xulafadii reer Galbeedka waa cusub oo murugsan baa u beryaya, waana taas sababta uu Paris uga furmay shir tunweynta Yurub oo degdeg ah (https://www.facebook.com/share/p/18Fwcx87zW/).

Madaxweyne Trump oo aad mooddo in uu ogyahay meesha xaal u socdo ayaa asbuucii hore uga digay Yurub in aysan carqaladeyn qorshihiisa, haddii ay kahoryimaadaana uu ciidamadiisa ka raran doono Yurub.

Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee adduunka xawliga isu badalaya.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com