Yurub saddex dal baa hoggaan u ahaa oo kala ah Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiiska. Saddexdaas dalba nus qarnigii la soo dhaafay, sida ay falaanqeeyayaasha siyaasaddu dhigayaan, waxay fuushanaayeen garbaha Mareykanka, ayaga oo awood aysan lahayn laakiin isku hallayn Mareykanka danahooda ku fushan jiray. Aan midmid u dul istaagno.
Saddexda dal laba kamid ah waa Ingiriiska iyo Faransiiska, waxay run ahaantii ahaayeen gumeyste shaatigii gumeysiga marnaba aan dhigin, sidii hore oo ay gumeyste u ahaayeena, siiba Afrika, weli u ah illaa iyo maanta.
Ingiriisku waxa uu weli maalayaa dalalkii uu gumeysan jiray ee daafaha adduunka asaga oo Boqortooyo iyo xoog uusan lahayn bal se xeelad iyo xoogga Mareykanka danihiisa ku fushanaya. Maanta albaabadii waa isa soo xireen, dhaqaalihii Ingiriisku waa sii wiiqmayaa oo hadda waxaaba ka hormaray Hindiya oo ah dal kamid ah dalalkii uu gumeysan jiray. Shaqo la’aanta iyo hoy la’aantu waa mid sii kordheysa sannadba sannadka ka danbeeya. Qiimaha korontada kaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay kor u kacay in ka badan 24%. Awood Ingiriis oo maanta la sheegana warkeeda daa.
Faransiisku waxba kama duwana Ingiriiska, laakiin dhanka gumeysiga Afrikada Galbeed wuxuu ahaa mid aan innaba isbadalin oo dhiigmiirato ah. Wax kale iska daa e xataa lacagaha wadamada Galbeedka Afrika waxa daabaca oo sarrifa Bangiga Dhexe ee Faransiiska. Laakiin Kacdoonkii 2023 ee Niger, Mali iyo Burkina Faso ee saddexdaas dal ay Faransiiska dalkooda uga saareen waxa uu keenay kacdoon Galbeedka Afrika oo dhan oo lagu ceyriyey Faransiiska, taasina waxay toos u taabatay dhaqaalihii Faransiiska, maadaama laga joojiyey dhammaan wixii macdan uu bilaash kaga daldalan jiray Afrika. Tusaale waxaa kuugu filan Faransiiska oo aan lahayn hal god oo dahabka laga qodo waa dalka afraad ee ugu kayd dahab badan adduunka, kaas oo lagu qiyaasay in ka badan 2,400 oo tan oo dahab ah oo dhammaan uu ka soo gurtay Afrikada Galbeed.
Labadaas dal iyo Faransiiska iyo Ingiriisku la’aanta Mareykanka danahooda Afrika mid xoog ku fushan karaa kuma jiro.
Waxaa kuu soo haray Jarmalka oo ah xarunta dhaqaalaha Yurub, waana dhaqaale ku dhisan shidaalka raqiiska ah ee Ruushka, waana dhaqaalaha kaliya ee reer Yurub ee la tartami kara Mareykanka. Si loo wiiqo dhaqaalaha Jarmalka waxa maamulkii Biden lagu eedeeyey in uu Mareykanku qarxiyey dhuumihii Ruushka ee shidaalka raqiiska ah Jarmalka u keeni jiray, oo haddana Jarmalka ku khasbay in uu xiriirka u jaro Ruushka. Maanta badi warshadihii waaweynaa ee Jarmalka waxay noqdeen wax u guura Mareykanka iyo wax albaabada la isugu dhufto sida shirkadda weyn ee gaadiidka ee Volkswagen (VW). Siemens waxay badi u wareegtay Mareykanka. Sidoo kale Northvolt waxay dhammaan maalgashigii Jarmalka u wareejisay Mareykanka. Tesla oo warshad cusub hore uga furatay Jarmalka hadda waxay dib ugu guratay Mareykanka.
Waxaas oo khasaare ah oo soo gaaray Yurub, ayna wada keeneen gumeysiga iyo hoggaanxumida tunweynta Yurub waxay keentay in shir degdeg ah ay Paris isugu yimaadaan, kaas oo lagu macneeyey nin aan tabar lahayn oo qaylodhaan la soo istaagay iyo “dagaal baan wax walba ka xigaa.”
Laakii Ruush iyo Mareykan maanta waa ogyihiin tababarta Yurub, halka jawaabna waxay noqotay Trump oo yiri haddaad nabadda Ukraine carqaladeysaan ciidankayga Yurub waa kala baxayaa. Putin ayaa asna Yurub ku tilmaamay sidii ey rabaayad ah oo qaylinaya, laakiin marka danbe ninka iska leh lugihiisa hoos fariisan doona.
Nala qaybso fiiradaada iyo falcelis.
> Daljir Media
COMMENTS