Trump iyo Zelensky iyo Zelensky iyo Imaaraadka Carabta: Zelensky ma Boorsooyinkaa u Xirxiran?

Trump iyo Zelensky iyo Zelensky iyo Imaaraadka Carabta: Zelensky ma Boorsooyinkaa u Xirxiran?

Maalinba maalinta ka danbeysa waxaa sii kordhaya ciriiriga iyo culayska saaran Zelensky, Madaxweynaha Ukraine. Dhan Ruushkii baa maalin walba dhowr magaalo la wareegaya, dhanna Mareykan oo uu awal ku tiirsanaa baa albaabada midba maalin xiranaya. Kaaga daran waxaa hadda toos xiriir u yeeshay Ruushka iyo Mareykanka, shirkii Riyaadna mar kale albaabadaa laga xirtay.

Intaas kaliya ma ahee, Mareykan iyo Ruush waxay isla garteen in ay lagamamaarmaan tahay in doorasho laga qabto Ukraine. Waa hadal dibloomaasi oo weyn oo ayada oo aan nabad iyo xabbad joojin toona laga hadal baa si dadban Zelensky loogu sheegay waqtigaagii waa dhacay ee ka soco meesha.

Maanta oo ay ugu danbeysay Trump waxba lama harin oo wuxuu yiri, “Zelensky dadka rabaa 4% kama badna, marka waa in uu taas qiimeeyaa.” Intaas ugama harin Trump ee wuxuu ku daray, “Balaayiin doolar baan Ukraine siinay, Zelensky-na ma yaqaan meel ay mareen, marka waa in uu lacagtayada noo soo celiyaa ama noo sheegaa meesha uu la aaday?”

Zelensky war ma seegana farriintana waa fahmay, sida falaanqeeyayaasha siyaasadduna ay sheegayaan safarkiisii dorraad ee UAE wuxuu daarnaa in dib loo soo celiyo xiriirkii bangiyada labada dal. Taas hal macne kaliya ayey yeelan kartaa, taas oo ah siyaasiyiin badan baa mar dhow la filayaa in ay Kiev banneeyaan oo Dubai iyo Abu dhabi abbaaraan iyaga iyo boorsooyinkooduba.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com