Galbeedka Afrika, Nigeria illaa Niger, Senegal, Mali iyo Burkina Faso waxaa ka curtay kacaan bulsho iyo mid hoggaamineed oo marna gumeystaha Yurub, siiba Faransiiska dalalkooda looga eryayo, dahabkii iyo macdantii awal la iska guran jireyna hadda gumaystihii bilaash ku guran jiray laga iibinayo oo haddana la canshuurayo. Intaas waxaa sii dheer ayaga oo Ingiriiska, Jarmalka iyo Netherlands ka dalbaday in ay sooceliyaan dhammaan dhaxalkii taariikhiga ahaa ee ay hore u xadeen xilligii adoonsiga iyo kaganacsiga Afrikaanka.
Asbuucaan kaliya waxay Nigeria ka soo ceshatay Netherlands dhaxal-taariikheed kor u dhaafaya 100 xabbo oo ahaa kuwa loo yaqaan ‘Benin Bronzes.’ Dhaxal taariikheedkaan ayaa hore waxaa u xaday Ingiriiska xilligii kaganacsiga Afrikaanka.
Asbuucaan waxaa kale oo guul dhanka dahabka ah gaarey dalka Mali oo bilaabay in uu canshuuro oo gado dahabkii uu hore u guran jiray kambaniga Kanadiyaanka ee ‘Canadian Barrick Gold.’ Mali waxay la wareegtay boholihii laga qodi jiray dahabka iyo agabkii oo dhan, waxayna dalbatay lacag dhan $438 milyan. Maanta ayaa kambaniga Canadian Barrick Gold oggolaaday in uu bixiyo lacagtaas, shaqadana dib u bilaabo, waa haddii loo fasaxo e.
Soomaaliya oo hadda u eg in ay galayso marxalad u eg tii Afrikada Galbeed hadda ka soo baxday, ma heli doontaa hoggaan ilaaliya khayraadka dalka, sida badaha oo hadda uu Ankara ka socdo shir ay Turkiye rabto in badaha Soomaaliya lagu wareejiyo Itoobiya?
Nala qaybso fiiradaada iyo falcelis.
> Daljir Media
COMMENTS