Maalinba maalinta ka danbeysa waxaa Mareykanka ka soo baxaya warar lid u ah Ukraine iyo Madaxweyne Zelensky. Maamulka Trump oo raba in uu toos u tuuro Ukraine ayaa hadda bilaabay in uu hadba maalin fadeexad cusub daaha ka rago.
Maanta Senatorka Mareykanka Rand Paul iyo tujaarka Elon Musk ayaa shaaciyey ammuuro lala yaabay oo ay kamidyihiin musuqmaasuq iyo jiliyaasha Hollywood oo lacag lagu siiyey tagitaankooda Kiev iyo sidii ay u taageeri lahaayeen dagaalka Ukraine, Mareykankana ugu cadaadin lahaayeen in uu lacag siiyo Ukraine. Haddana kaagaba daran e waxaa soo shaacbaxay in dhammaan warbaahintii Ukraine ee la oran jiray saxaafadda xorta ay dhammaantood biili jirtay USAID.
Musuqa cajiibka ah ee maanta la shaaciyey waxaa ka mid ahaa masuul wasaaradda gaashaandhigga Ukraine oo xaday lacag dhan $46 milyan oo la rabay in saanad loogu gado ciidamada. $2.5 Milyan guri buu Faransiiska kaga gatay, $6.5 milyan beer weyn buu ku gatay, iyo $1 milyan oo dhulal ah.
Senator Rand Paul baa asna si layaab leh waxa uu u yiri, “bal ka warran haddii Ukraine aan siinay malaayiin doolar, say ayana waxay malaayiin kale sii siiyeen warbaahintii, si warbaahintu nooga dhaadhiciso in Ukraine malaayiin kale la siiyo!”
Trump oo asna is xakamyn la’ baa maanta mar kale yiri Ukraine waa in ay lacagtii balaayiinta ahayd ee aan siinay noo sooceliso. Si lacagtaas loo helo maanta Mareykanku wuxuu Zelensky hor dhigay heshiis lagu yiri saxiix oo ay ku qorantahay in uu Mareykanka ku wareejiyo macdanta, shidaalka, iyo waliba dekedaha dalka iyo dhammaan wixii khayraad ah ee Ukraine leedahay. Waa heshiis la yiri kaas oo kale weli dunida ma soo marin. Haddaba maxaa Ukraine u talo ah, waa su’aasha maanta saaxibada Ukraine ee Yurub ay is weydiinayaan.
Si haddaba culayska Ukraine looga yareeyo, la iskuna dayo in Trump lagu soo dabbaalo qorshaha dagaal ee Yurub, waxaa Isniinta Washinton imaanaya Madaxweynaha Faransiiska Macron. Khamiis waxaa haddana Washington imaanaya RW Ingiriiska Keir Starmer. Labaduba waxay riixayaan in la wado dagaalka ka dhanka ah Ruushka, laakiin maanta Trump wuxuu si cad u sheegay oo yiri, “Yaa lala dagaalamayaa, soo tan Ruushku guulaystay?”
Intaas Trump ugama harin e waxa uu ku sii daray, “Macron iyo Keir Starmer ma aysan joojin dagaalka Ukraine oo xataa iskuma ay dayin. Ukraine ayadu maxay ku tooranyahay oo miiska la imaan kartaa, marka loogamaba baahna miiska wada xaajoodka.”
Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin kuu digay kuma dilin,” laakiin se Yurub sannadahaan dhego wax maqla ma leedahay.
> Daljir Media
COMMENTS