Masar iyo Jordan oo Ayana Diiday Dawlad loo Dhiso Fallaagada RSF oo Docfaruur ku ah Dawladda Sudan
Kaddib diidmadii qayaxneyd ee Sacuudiga, Qadar iyo Kuwait, waxaa maanta diidmo kale oo qayaxan miiska soo saaray dawladaha Masar iyo Jordan ayaga oo diiday yagleel dawlad RSF oo docfaruur ku noqota dawladda Sudan.
Kenya oo ah dalka kaliya ee Afrika oo jabhadda fallaagada RSF hoy ka siiyey dalkeeda, una oggolaaday in ay dawlad docfaruur ah Nairobi ka yagleelaan ayaa hadda wajahaysa culays siyaasadeed oo kulul, lehna sansaan in Kenya ay ka noqon doonto qorshaha RSF oo ahaa mid ay gadaal ka riixeyso dawladda Imaaraadku.
Imaaraadka ayaa Kenya u ballanqaaday deyn dhan $1.5 bilyan oo wadata ribo sannadle ah oo dhan 8.25% si ay ugu maareyso deyn kale oo World Bank ku leeyahay Kenyan oo dhan ku dhawaad $2 bilyan. Kenya ayaa hadda ka gacajiideysa qaadashada deyntaas.
> Daljir Media
COMMENTS