Wararkii Asbuuca ee Itoobiya & Eriteriya: Saansaan Colaadeed & Ifafaalo Guluf Dagaal

Wararkii Asbuuca ee Itoobiya & Eriteriya: Saansaan Colaadeed & Ifafaalo Guluf Dagaal

Wararkii Asbuuca ee Itoobiya & Eriteriya: Saansaan Colaadeed & Ifafaalo Guluf Dagaal

Hadalhayntii Abiye Axmed ee “Badda Cas waa gaaraynaa” oo hadda u jihaysatay dhanka Eriteriya.

Indhawaalaba xidhiidhka Itoobiya iyo Eriteriya oo ahaa karkar iyo kabkab ayaa hadda isu badalay mid wakhti kasta uu dagaal ka dhex dhici karo labada dal, ayada oo ay isa soo tarayaan warar sheegaya in Abiye Axmed uu hadda isha ku hayo magaalada Casab iyo Dekedeeda.

Haddaba sidee ayuu Abiye ku gaarayaa Casab?

Calaamadaha tilmaamaya gulufka colaadeed ee casab waa kamid ah:

1. Caasimadda Samara ee deegaanka Canfarta waxaa ka socda ballaarinta garoon diyaaradeed oo loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan darooniska

2. Gaaska 7aad (7th mechanized Division) ayaa u guuray xudduudda Deegaanka Canfartu la wadaago Eritrea oo ku beegan magaalada Cassab, ahna halka ay madaxda Itoobiya sheeganayaan inay ayagu leeyihiin

3. Ciidamada Qaybta Bari oo fadhigooda ahaa Harar haddana ku sugan Gobolka Wollo ee Deegaanka Axmaarada oo uu hogaaminayo Brigadier General Assefa Chekol wuxuu ku sii siqayaa dhinaca dhulka Canfarta, waloow iskacaabinta dagaalyahannada Axmaarada ee FANO aanay sahlanayn in si dhib yar looga guulaysto. Brigadier General Assefa Chekol wuxuu ahaan jiray Madaxa Ciidanka Ethiopia ee AMISOM (African Union Mission in Somalia)

4. Wararka laga soo xiganayo Tigreega ku sugan xuduudda Deegaanka Tigreega iyo Eritrea, aagga Zalambessa, ayaa ah goob ama aag cidla ah, oo laguma arko wax askar ciidamada Itoobiya (ENDF)

Lixdii sano ee la soo dhaafay ayaa ah kuwo muuqaal wanaagsan ka bixin kara xidhiidhka labada Waddan ee Eritrea iyo Ethiopia. 2018-2022 waxaa lagu tilmaami karaa xidhiidhka labada waddan mid aad u wanaagsan lagu shabahay xidhiidhkooda 1993-1998. Laakin si lama filaan ah ayuu isu badalay xidhiidhka labada Waddan sannadkii 2022 oo Eritrea waxay Itoobiya ka caawisay dagaalka Deegaanka Tigreega 2020-2022, la’aanteedna uma suurowdeen Itoobiya inay jab xun gaadhsiiso xoogagga Tigreega oo markaas lagu qiyaasay 250,000 oo isugu jira askar iyo malayshiyo haystayna tababar aad u sarreeya.

Ciidanka Eritrea wuxuu ka soo galay deegaanka Tigreega dhankiisa bari (Deegaanka Canfarta), dhanka waqooyi iyo waliba dhanka Galbeed.

Heshiiskii Koonfur Afrika ( Pretoria Peace Agreement 2022) kabacdi waxaa soo baxay xaaladda dhabta ah ee xidhiidhka Eritrea iyo Itoobiya, waxaana hadda lagu tilmaamaa in uu yahay dagaal-u-joog.

Dowladda Itoobiya waxay xafiisyo iyo xarumo u furtay xoogagga mucaaradka Eriteriya oo ay ku ku jiraan kooxaha Canfarta ee Badda Cas (Red Sea Afar Democratic Organisation). Waxaa kale oo ay ku xoojiymaysaa malayshiyaadka deegaanada Canfarta, Tigreega iyo Oromada. Hadafka Itoobiya ayaa lagu sheegay inuu yahay “dib-u-qabsashada Eriteriya.”

Madaxda Itoobiya oo Oromo ah waxay ka sheegaan Warbaahinta rasmiga ah ee dawladda iyo fagaarayaashaba inay ka go’an tahay inay kamid noqdaan Wadamadda Badda Cas oo uu khalad ahaa inay Eriteriya markii horeba ka baxdo Itoobiya, ayada oo sheegtay in ay lagamamaarmaan tahay in Eriteriya xoog lagu soo celiyo.

Todobaadkii la soo dhaafay Janeral Birhanu Jula oo ah Abbaanduulaha Ciidanka Itoobiya wuxuu yiri, “Waa arrin wakhtigeedii la gaaray in aan ka mid noqono bulshada Badda Cas.”

Hadaladdaas iyo diyaargarowga muuqda ee dagaal waxay Eriteriya u aragtaa daandaansi iyo abaabul dagaal oo Itoobiya damacsantahay.

Sannadkii 2018 markii uu Abiye xukunka kala wareegay TPLF, Eriteriya waxay quuddaraynaysay inuu hagaago xidhiidhka labada dal, laakin markii uu Abiy u soo magacaabay Ridwaan Xuseen inuu noqdo Danjiraha u jooga Eritrea, waxay Eritrea diiday inay ka guddoonto Waraaqaha Danjirenimada. Ridwaan Xuseen wuxuu iska joogay Asmara muddo laba sano ahba (2018-2019) wuxuuna hadda ku magacaaban yahay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka (National Intelligence and Security Service).

Maxaa Soomaaliya u talo ah?

Soomaaliya waxaa haysata xaalad adag oo waa mar e waxay ku ballanfurtay isbahaysigii Asmara ee Masar iyo Eriteriya oo lagu heshiiyey in aan marnaba Itoobiya lagala xaajoon Badda Cas, laakiin Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu saxiixay ‘Ankara Declaration’ oo oggolaanaya in Soomaaliya ay badda u oggolaato Itoobiya.

Haatan oo dagaal qarka loo saaranyahay, Madaxweyne Xasan shiikh waddamada xaalkoodu halkaa marayo ayuu rajo ka leeyahay inuu labada saaxiib la noqdo, laakiin ma suurtagal baa in ay imaan doonta maalin ay Soomaaliya saaxiib iyo garab la’aan noqoto, oo Xamar u gacangasho Itoobiya iyo Al-Shabaab.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com