Maanta waxaa idin la qaybsaneynaa khudbaddii habjaabadda dagaalka wadatay ee RW Ingiriiska Keir Starmer uu jeediyey shirkii Yurub kabacdi, asaga oo u hanjabaya Ruushka, ballanqaadayana taageero aan dhammaad lahayn, oo haddana damaanadqaadaya ammaanka Ukraine.
Wuxuu ku bilaabay, “Waa marka koowaad e si aan Ukraine u xoojino, caawimada milatari sideedii baan u wadaynaa oo haddana culayska dhaqaale iyo cadaadiska aan saareyno Ruuskha asna joogsi ma leh. Waa marka labaad e, nabadda waarta oo la helayaa waa in ay tahay mid hubisa qaranimada iyo ammaanka Ukraine, waana waajib in Ukraine ay miiska wadahadalka fadhido. Waa marka saddexaad e, markii heshiis nabadeed la gaaro waxaan aad u xoojineynaa awoodda difaac ee Ukraine si aan mar kale loo haweysan in la soo weeraro. Waa marka afraad e, waxaan isku keeneynaa xulufo is garabsata oo damaanadqaadda heshiiska nabadeed, difaacdana Ukraine.”
Qodobka afraad oo ahaa kii ugu yaabka badnaa, RW Starmer wuxuu ku daray, “Si loo suurtagaliyo arrinkaas, dawladda Ingiriisku waxay diyaar la tahay in diyaaradaheena dagaalku hawada soo galaan, ciidamadeenuna cagaha dhulka soo dhigaan. Sidoo kale waa in Yurub ay culayska badankiisa dusha saarato.”
Halkaas markuu marayo, RW Keir Starmer baa hal mar haddana kala fireeyey oo noqday nin cusub asaga oo yiri, “Laakiin si nabad waarta Yurub loo helo, qorshahayaguna mirodhal u noqdo, waa in Mareykanku si xoog leh noo garabistaaga oo qorshaheena u taageeraa.”
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “Run ha sheegin, beenna ha sheegin, waxaad sheegtana ha waayin.” Hadda Yurub iyo ninkii Starmer ahaa ee yiri aniga hoggaanka Yurub ha la ii dhiibo, waxa uu ka dhabeeyey maahmaahdii Soomaalida asaga oo hadba gad tiisii hore ka duwan miiska saaraya.
Muuqaalka RW Keir Starmer oo tarjuman mar dhow Daljir kala soco.
> Daljir Media
COMMENTS