Shalay waxay ahayd maalinka diinta masiixiga ama kirishtaanka looga yaqaan ‘Ash Wednesday’ ama ‘Arbaco Dambas.’ Waa caadada masiixiga ee loo yaqaan bilowga ‘Lent’ oo ah 40 maalmood oo ay sheegaan in ay Alle ugu dhawaanayaan. 40kaas Maalmood oo isugu jira cibaado iyo soon illaa laga gaaro maalinka asna loo yaqaan ‘Easter.’ Si qofka masixiiga ah u muujiyo in 40kii maalmood u bilaabatay waxa uu dhafoorka marsadaa iskutallaabta masiixiga oo ah dambas (ash).
Dambaska ayaa sida ay aaminsanyihiin ka tarjumaya toobadkeen muujinaya in Alle dambas ka abuuray, wadaadka kaniisadda ayaana dadka ku wacdiya, “Xasuuso inaad tahay dambas, ogowna in aad dambas ku noqon doonto.”
> Daljir Media
COMMENTS