Netanyahu oo Sheegay in Xabbad-joojintii Gaza ay Burburtay Duqeyntuna Socon Doonto & Mareykanka oo Bilaabay Hanjabaado Horleh oo ka Dhan ah Iran

Netanyahu oo Sheegay in Xabbad-joojintii Gaza ay Burburtay Duqeyntuna Socon Doonto & Mareykanka oo Bilaabay Hanjabaado Horleh oo ka Dhan ah Iran

Duqeynta Gaza oo socotay dhowrkii saacadood ee ugu danbeeyey waxaa lagu soo warramayaa in dhimashadu kor u dhaaftay 250, dhaawucuna 350 ka badanyahay. Wararku waa hordhac oo khasaaruhu intaas waa ka badnaan doonaa sida la filayo.

Illaa iyo hadda waxaa duqeynta iyo xayiraada Gaza ku socota ka dhiidhiyey Yemen oo ayana isla markiiba lala beegtay duqeyn daran oo ka socota dhawr aag, ayna ugu darantahay duqeynta Sanca.

Mareykanka ayaa saaka u hanjabaya Iran, sheegayna in saddex markab oo kuwa diyaaradaha dagaalka ay Badda Cas iyo Badda Carbeed isku urursanayaan.

Weerarka Israa’iil ee Gaza waxaa ka horreeyey duqeymo joogto ah oo ay la beegsaneyso Suuriya, siiba Dimishiq iyo Daraa. Duqeynta oo socotana waxaa biloowday dagaal u dhexeeya Suuriya iyo Lebanon.

Daljir isha ku hay oo ha ka fogaan.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com