Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Cabdirisaaq Cabdilaahi Xagaa, oo uu wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda , Mudane Siciid Maxamed Raage ayaa maanta kulan la qaatay iskaatashada Kalluumaysiga degmada Boosaaso.
Kulanka ayaa looga hadlay dhismaha suuqa cusub ee kalluumaysatada magaalada Boosooso, nashqaddiisa (Design), cabirka dhulka laga dhisayo iyo siddii dhaqaale loogu raadin lahaa dhismihiisa.
Wasiirka ayaa ku bogaadiyey iskaashatada doorkooda wax-soosaarka Kalluumaysiga, wuxuuna ku booriyey inay si dhow uga shaqeeyaan ilaalinta badda, iyagoo ciddii dhibaato ku haysa usoo gudbinaya wasaaradda iyo ciidamada ilaalada badda Puntland.


COMMENTS