Baarlamaanka Turkiga ayaa maanta daabacay haatana diyaar u ah in ay ansixiyaan heshiiskii kheyraadka dabiiciga ah ee Madaxweyne Xasan Shiikh la saxiixday Erdogan iyo dawladda Turkiga. Sida ku cad faahfaahinta heshiiska, Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu Turkiga ku wareejiyey hantidii jiilalka soo socda ee Soomaaliyeed, asaga oo aan baddalkooda habayaraatee waxba ku helin.
Heshiisku wuxuu Turkiga siiyey awood kasta oo u sahlaysa in uu la soo baxo shidaalka Soomaaliya, nooc kasta oo uu yahay. Soomaaliya haddii ay ka biyo-diido qodobo kamid ah heshiiska waa in ay dacwadeeda geyso maxkamadaha Turkiga ee hoostaga Erdogan.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u muuqdaa inuu ka tanaasulay dhammaan xuquuqdii shacabka Soomaaliyeed ee khayraadkooda, haatanna lagu eedeynayaa inuu ku badashay laaluush iyo sharciyo deggenaansho oo la siiyey qoyskiisa iyo guri qaali ah oo ku yaalla xeebta Bosphorus ee Istanbul.
Faahfaahinta heshiiska haddii aan u soo laabano, Turkiga ma bixinayo wax lacag ah oo horudhac ah, ma jiro wax bonus ah oo la bixinayo marka heshiiska la wada saxiixo, ma jiro bonus shidaal-soo-saar, mana jiraan khidmooyin Soomaaliya la siinayo marka shidaalka la soo saaro. Ogoow, waa hawl caadi ah in dalalku helaan malaayiin doolar markii la saxiixayo heshiisyada shidaalka.
Dhanka dakhliga shidaalka oo ah waxa loo yaqaan Royalty, Turkigu waxa uu qaadanayaa 90% dakhliga shidaalka ka soo xerooda, meesha Soomaaliya loo ballanqaaday “xaq lacageed oo lagu xaddiday 5% ama ka yar.”
Marka lagu miisaamo dalalka kale, Venezuela waxay heshaa 30%, meesha Angola ka hesho 20%. Dhanka soo celinta dakhliga shidaalka, Turkiga ayaa 100% kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya dibadda u dhoofinaya, wuxuuna lacag kasta ku haynayaa akoonko bangiyo ku yaal dalka dibaddiisa, mana soo bandhigayo wax faahfaahin ah oo la xiriira akoonadaas.
Dhammaan qodobadaas waxay muujinayaan in Soomaaliya aysan wax canshuur ah ama xataa la socod haba yaraatee xataa hal doollar aysan ka heli doonin. Taas waxaa lagu macneeyey in ay ka dhigantahay gumeysiga Afrika oo la soo cusbooneysiiyey, gaar ahaan mid toos loola beegtay Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya, oo si toos ah hadda u hoostagaya gumeysiga Turkiga.
Turkiga iyo Erdogan si ay u ilaashadaan bugcaddaan cusub ee ay maali doonin waxay kumanaan askar Turkiga ah iyo ciidamo calooshooda-u-shaqaystayaal ah maalin walba ku soo gurayaan Soomaaliya, sheekaduna waa in Soomaaliya ka badbaadinayaan argagixisada AS
(https://nordicmonitor.com/…/turkey-secures-exceptional…/).
Haddii aad hore u maqli jirtay calooshooda-ushaqaystayaasha BlackWater ee Maraykan, haatan ku soo dhawoow ciidamada gaarka loo leeyahay ee Turkiga. Haddii aad dhawaan maqashay Erdogan baa Suuriya ka badbaadshay Bashaar Al-Asad, natiijadana aad aragtay, la soco sheekada maanta ee Erdogan baa Soomaaliya ka badbaadinaya AS.
> Daljir Media


COMMENTS