Soomaaliya yaa u maqan, yaa se haya nin-doorkii Soomaaliyeed?
Waa xaqiiq in Soomaalida si qorsheysan loo la kala qaybiyey oo haddana la kala diray, qolo walbana meel gooni ah lagu ooday. Waa xaqiiq kale in 99% qofka Soomaaliga ahi uusan maanta kala aqoon kan danbeeya kala-fogeynta iyo kan diidaya.
Waa xaqiiq kale in ku dhawaad 75% Soomaalidu tahay dhallinyaro meeshii la rabo loo jihayn karo, badina jihayntaas ay ka danbeeyaan dalal shisheeye. In kasta oo dhallintu dadaaleyso, haddana kan qoraalkaan akhrinaya waa suurtagal in ay ku adagtahay in uu dhammaysto akhrinta qoraalka, ama xataa si daacad ah uu u falaanqeeyo. Laakiin haddii dhallinta loo qoro laba sadar oo laba reer kala fogeyneysa, oo af-Soomaali ku qoran (ama xataa af-qalaad), uuna soo qoray shisheeye iska dhigaya Soomaali, dhallinta Soomaaliyeed inta dabkaas qoran qaadaan bay buulkii reerkooda dhexdhigayaan, si reerka dariska la ah buulkoodu looga gubo. Yaa ku faa’iiday, yaa se ku khasaaray? Su’aashu ma aha mid jawaab u baahan!
Laakiin su’aasha mudan in jawaab loo helaa waa, Soomaali yaa u maqan, yaa se haya nin-doorkii Soomaaliyeed? Haddii su’aal kale aan ku sii darno, yaa haya nin-doorkii Soomaaliyeed si uu ula dagaalamo, ugu yaraan af ahaan, iskudirka Soomaali lala dhextaagyahay har-iyo-habeen? Mid kalena waa, maxaa wiilka ama gabadha Soomaaliyeed u diidaya in ay fahmaan in badi farriimaha danabeysan ay badankoodu u raranyihiin shisheeye?
Su’aalaha kore jawaabo uma hayno, laakiin in su’aalahaas jawaab loo helo waa imtixaanka sugaya nin-doorka Soomaaliyeed ee u hanweyn in uu hanto quluubta dadka, hoggaamiyana dalka, ama ugu yaraan uu ka qaybqaato jihaynta dadkiisa.
Adduunku wuxuu maanta marayaa xilli badi kuxunka dunida ay hagayaan hay’adaha sirdoonka dalal kooban oo shisheeye, kan xilka loo dhiibo ay keensadeen hay’ado sirdoon, kan imaanayana dabinka loo sii dhigayo asaga oo aan waxba la socon. Ma aha duni hawl yar, saas oo ay tahay Burkina Faso maanta waa xor. Niger waa xor, oo Mali waa xor. Dhammaantood waxaa xoreeyey nin-door tashaday. Nin-doorka Soomaalidu ma tashan karaa? Talo ma ku midoobi karaan? Dad iyo dal jacayl ma ku walaaloobi karaan, oo jiilka soo socda ugu yaraan ma jihayn karaan?
> Daljir Media


COMMENTS