Shirkii nabadeynta Ruushka iyo Ukraine ee Turkiga oo hadda soo xirmay

Shirkii nabadeynta Ruushka iyo Ukraine ee Turkiga oo hadda soo xirmay

Shirkii nabadeynta Ruushka iyo Ukraine ee Turkiga oo hadda soo xirmay

Ruushka maxaa maanta laga filan karaa?

Shirka oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, socdayna saacad iyo bar, ayaa la sheegay in uu hadda soo dhammaaday. Wax war ahi weli kama soo bixin, laakiin waxaa la filayaa in saacadaha soo socda qolo walbaa la hadasho warbaahinta.

Shirkaan Istanbul ayaa imaanaya kaddib markii shalay ay Ukraine, sida Ruushku sheegay, ay weeraro argagixiso ah ku qaaday afar saldhig oo militari ee ciidamada cirka Ruushka, siiba diyaaradaha xambaara gantaalada nukliyeerka. Heshiisyada Mareykanka iyo Ruushka ee START TREATY loo yaqaan ayaa dhigaya in diyaaradaha xambaara gantaalada nukliyeerka ay mar kasta ka muuqdaan garoomada oo aan la qarin si socodkooda loola socdo.

Ukraine oo ka faa’iideysaneysa heshiiska START TREATY gacanna ka helaysa sateliteka Mareykanka ayaa weeraro daroonis ah ku qaaday afar saldhig, laakiin waxaa u najaxay weerarka hal saldhig oo kaliya, keenayna in 5 diyaaradood ay soo gaaraan burbur aan weli la qeexin inta uu le’egyahay.

Maalin kahor gobolada Bryansk iyo Kursk waxa ay Ukraine weeraro argagixiso ah ku qaadeen tareeno shacab ayaga oo buundooyin qarxiyey, sababayba dhimashada iyo dhaawac shacab badan.

Intaas oo dhacdooyin kabacdi oo qaarkood lagu eedaynayo in waddamada NATO ay qayb ka ahaayeen, Ruuskha ayaa la filayaa in uu wax ka badalo dulqaadkii iyo qunyar socodkii looga bartay.

Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka Ukraine iyo saamentiisa Soomaaliya.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com