Dagaalka Ukraine, Duullaanka Ruushka, Doorka Ingiriiska & Gabbaldhaca Reer Galbeedka
Hoggaanka Soomaalida se maxaa u qorshe ah tobanka sano ee soo socda si looga baxo ‘Qarnigii Bahdilka Soomaalida?’
In kasta oo Daljir maqaalo badan ka qortay dagaalka Ukraine, sababaha ka danbeeya, doorka bangiyada caalamka, iyo dhaqaale xumida daran ee soo wajahday reer Galbeedka, maanta waxaan diiradda saareynaa doorka Ingiriiska iyo daandaansigii ugu danbeeyey ee Ingiriisku ku rabo in dagaal daran ka dhaco adduunka, xataa dagaal nukliyeer.
Waa suurtgal akhristaha ku barbaaray hormarka reer Galbeedka ee gunkiisu yahay gumeysi gaamuuray oo gaaray dhammaan daafaha dunida in uu maanta u war-la’yahay dib-u-dhaca ballaaran ee ku yimid gumeystihii reer galbeedka. Gumeystaha reer Galbeedka waxaa markasta hormuud u ahaa Ingiriiska, asaga oo sheegtay xataa in uusan gabbalku u dhicin (The sun never sets on the British Empire), taas oo macnaheedu yahay meel qorraxdu ka soo baxdo oo uusan gumeysanjirin in aysan jirin.
Gumeyste kaliya ma ahayn Ingiriisku ee wuxuu ahaa ka beecmushtaraha daroogada daafaha dunida. Kambanigii ugu weynaa Boqortooyada Ingiriiska uguna caansan ee si khasab ah daafaha dunida daroogada halista ah ee ‘Opium’ uga beecmushtari jiray waxa uu ahaa East India Company (EIC). EIC ayaa si khasab ah dadka Shiinaha ka dhigay kuwo daroogadu dilootay waana meesha ay ka timid taariikhda Shiinuhu aad u xuso oo dadkiisa xasuusiyo ee loo yaqaan Qarnigii Bahdilka (The Century of Humiliation 1839-1949). Qarnigaas dadka Shiinaha waxaa laga dhigay kuwo jidadka daadsan oo daroogadu dilootay. Shiinuhu haba ugu darnaado e dal kaliya laguma koobin daroogada oo waxaa lagu baahiyey badi Aasiya iyo dhammaan dalalkii Ingiriisku gumeysan jiray oo dhan.
Sidii Shiinaha, Soomaaliya ayaa hadda ayana ku jirta Qarnigii Bahdilka, qaadka darti, oo asna guntiisu tahay Ingiriiska, welina qayb ka yahay dhanka Kenya, kana soo bilaabay gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya oo weli Ingiriisku aad u rabo in uu dib ula wareego. Dadka Soomaaliyeed ayaan ayagu weli ku baraarugsaneyn qorshaha qaadka laga leeyahay iyo doorka Ingiriiska, laakiin mawduucaas waa maalin kale ee aan u soo noqono doorka Ingiriiska ee dagaalka Ukraine.
Hordhaca hore waxaan u soo qaadanay si aan akhristaha iyo dhegaystaha u xasuusino qorshaha gumeystuhu in uusan biyo ismarin ee uu weli yahay sidii uu waligiis ahaa. Maanta qorsha Ingiriisku ka leeyahay Ukraine iyo Ruushka waxba kama duwana kan uu Soomaaliya ka leeyahay, kaliya Ingiriisku kii hore ma aha, oo waa mid dhan kasta ka liita. Haddaba aan diiradda saarno hawgalkii ugu danbeeyey ee Ukraine ku duqeysay diyaaradaha nukliyeerka xambaara ee Ruushka. Dawladda Ruuskhu waxay si toos ah farta ugu fiiqday Ingiriiska, waxayna sheegtay in Mareykanku beeniyey in uu ku luglahaa. Haddaba maxaa Ingiriiska ku khasbaya in asaga oo Ukraine isticmaalaya uu ku duulo dal leh nukliyeerka wax gumaada kan ugu daran?
Haddii aan soo koobno waa dhaqaaale xumo. Ingiriisku haba ugu liito e, Yurub oo dhan waxaa ka taagan dhaqaale xumo tii ugu darneyd. Jarmalka oo ahaa muruqii dhaqaalaha Yurub warkiisa daa. Si dhaqaale xumida looga baxo, falaanqeeyayaasha siyaasaddu waxay isla qireen in Ingiriisku qorsheynayo dagaal lagu huubto, si lamid ah dagaaladii ayana la qorsheeyey ee dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee adduunka. Kaliya dhibka haystaa Ingiriiska waa in uusan wax tabar ah maanta lahayn, aan ka ahayn sirdoon kuwa adduunka ugu daran, iyo ayaga oo gacanta ku haya bangiyada adduunka ee dhawaan la filayo in ay wada musalifaan.
Sidaas darteed, duullaankii Ukraine ee Ruushka waxaa loo fasirtay mid Ingiriisku ku rabay in uu ku khasbo Ruushka in uu ka aarsado oo duqeeyo goobo kamid ah kuwa dalka Ingiriiska. Ruushka oo khiddadaas fahamsan waxa uu goostay in uu digniin daran u diro London, laakiin horta dalka Ukraine ee noqday aalad la adeegsado uu meesha ka saaro.
Haddii Ruushku la wareego Ukraine, haddaba waa maxay qorsha Ingiriisku waa su’aalaha ugu badan oo la isweydiinayo maanta. Jawaabaha la bixinayaana waxaa lagu soo koobay London diyaar bay dagaal u tahay, RW Keir Starmer baana taas caddeeyey asbuucii hore, waxaa kale oo la sheegay in Ingiriiska ay qorshaha ugu jirto hawlgal ah ‘false flag’ ama af Soomaali ahaan hawgal beenguur ah oo London inta qarax daran laga rido lagu eedeeyo Ruushka, deedna dagaal toos ah yimaado, filashaduna tahay in Mareykanku qayb ka noqon doono dagaalka.
Hawlgalka beenguurka ayaa la sheegay in uu kal hore ka biloowday magaalada London ayada oo kaamerooyinkii luuq kasta oo London ku rakibnaa laga wada dhigay hawlgab si aan marnaba loo helin muuqaal hawlgalka beenguurka ah. Waxaa kale oo Ingiriiska ka socda cadaadis dhanka xorriyad qawlka oo qofkii loo arko in uu baraha bulshada ku faafinayo wax ka horimaanaya ajendaha dawladda ee dhanka Ukraine ama Qasa xabsiga loo taxaabayo. Taasna waxaa lagu sii macneeyey in ay tahay bilowga caburinta bulshada. Jarmalka iyo badi Yurub oo dhan baa ayana qorshe lamid ah kan Ingiriisku ka socdaa.
Qorshayaasha ka socda Mareykanka ayaan ayana waxba ka duweyneyn kuwa Yurub, asaga oo Mareykanku mar hore si cad u sheegay in uusan marnaba oggolaan doonin Shiinaha oo ka hormara. Saas oo xaal yahay, Shiinuhu wuxuu muujiyey in uu si toos uga hormaray Mareykanka iyo xulufadiisa, uusanna u joojin doonin hanjabaad kasta oo lala beegto. Intaas kaliya ma aha e, waxaa hadda si toos ah u xulufoobay Shiinaha, Ruuskha, Iran iyo Kuuriyada Waqooyi. Kuuriyada Koonfureed ayana waxaa la wareegay maamul cusub oo diidan saldhigyada ciidamada Mareykanka. Sida muuqata Mareykanka iyo xulufadiisa ayada oo aan xabbadna la ridin waxaa looga adkaaday dhanka Badda Pacifiga. Sida muuqatana markii Ruushku la wareego Ukraine waxaa mar kale Maraykanka iyo xulufadiisa looga adkaaday Eurasia oo ah dhulkii adduunka ugu istaraatijisanaa oo Ingiriisku waligiis ku taamayey.
Sansaanta muuqata, haddii aan dagaal nukliyeer ahi dhexmarin quwadaha waaweyn, muddo ka yar 10 sano waxaa la filayaa in Yurub oo ah qaarad bilaa khayraad ah ay noqoto qaaradaha adduunka kuwa ugu faqiirsan.
Soomaaliya oo ah dalalka adduunka kuwa khayraad ahaan ugu qanisan diyaar ma u tahay isbaddalka mugga leh ee dunida ka hanaqaaday? Hoggaanka Soomaalida se maxaa u qorshe ah tobanka sano ee soo socda si looga baxo ‘Qarnigii Bahdilka Soomaalida’, loo mideeyo dadka Soomaaliyeed ee la kala dhantaalay, oo loo mamnuuco daroogada halista ah ee qaadka?
> Daljir Media


COMMENTS