Waftigii dawladda Puntland oo lagu eedeeyey in ay Gaalkacyo uga dareen oo dhib horleh u soo siyaadiyeen
Shalay waxaa iscasilay Cabdiraxmaan Cumar Dheere, Guddoomiyihii Guddiga Hormarinta Degmada Gaalkacyo. Maanta waa isna iscasilay Axmed Cali Biixi. Biixi ayaa Daljir u sheegay, “Waxaan dadka u sheegayaa una caddaynayaa in aan iska casiley Guddiga Horumarinta Degmada Galkayo. Guddigaas waxaan u rajaynayaa kheyr iyo horumar.”
Haddaba maxaa keenay iscasilaadaha isdabajooga ah ee xubnaha Guddiga. Daljir oo la xiriirtay xubno kamid ah Guddiga ayaa sheegay in iscasilaadu ay ku timid sababaha soo socda dartood.
B. Wasiiradii Dowladda Puntland gobolka u soo dirtay oo meeshii horumar laga sugayey ku mashquulay burburinta horumaradii hore magaalada looga taabagaliyey oo ay kamidyiiin:
1. Guddiga horumarinta degmada Gaalkacyo
2. Guddiga ganacsatada gobolka Mudug
3. Kacdoonkii dhallinta
T. Eedaha dawladda Puntland loo soojeedinayo waxaa kale oo kamid ah:
1. Dayaca Gegida Diyaaradaha Gaalkacyo oo waftigii Dowladda Puntland ay iska indhatireen oo meeshii waxqabad laga sugayey ay reer Gaalkacyo u sheegeen, “keensada ganacsato idiin dhisa Galkayo Airport”
2. Waddadii burburtay oo ay yiraahdeen waa buuxbuuxineynaa, mashruucii jidka Gaalkacyana ay damceen in ay gobol kale u wareejiyaan
3. Lacagtii Guddiga Horumarinta Degmada Gaalkacyo ka qaadi jirtay biyaha iyo korontada magaalada oo ay u wareejiyeen akoonka Dawladda Hoose, fureena albaab lagu musuqmaasuqo
La soco waraysiyada Daljir ee soo socda oo aan ku faahfaahin doono dhibaha cusub ee u soo kordhay Gaalkacyo iyo tafaraaruqa siyaasadeed ee ka bilowday magaalada.
> Daljir Media


COMMENTS