Xilli aad loo xoogaynayo in ay gabaabsiday awooddii duullaan iyo dagaal ee Isra ayaa haddana waxaa soo baxay walwal dhanka Isra ah, kaasoo ku saabsan Iran weli in aysan adeegsan awooddeedii milatari iyo gantaaladii casriga ahaa.
Dhinaca kale Isra waxay ku guuldarraysatay in ay waddamada reer galbeedka ka hesho ka qaybgal dagaal, marka laga reebo taageero siyaasadeed, saanado hub iyo in laga saacido dhanka difaaca gantaalaha Iran, taasoo sii xumaysay ka guulgaarid la xiriirta hadafkeeda dagaal.
Qoraa Isra ayaa sheegay Iran weli in ay adeegsanayso gantaalo la farsameeyey xilli hore, bal se aysan furin baalka gantaallmada casriga ah, taas oo welwel horleh ku abuurtay Isra iyo saaxibadeeda reer Galbeedka.
Daljir Media


COMMENTS