Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ma hogaamiyaha kaliya ee adduunka oo mar hore fahmay baa in xiriir lala yeesho reer Galbeedka uu macnihiisu yahay hubka dhig oo amarka qaado?
Maxay Putin-ka Ruushka iyo Pezeshkian-ka Iran kal hore fahmi waayeen oo Kim Jong-un waligiis fahamsanaa? Tusaale: Putin geed dheer iyo geed gaaban buu u fuulay in uu xiriir dhaqaale iyo mid dibloomaasiyadeed la yeesho reer Galbeedka, oo xataa sannadkii 2000 Putin wuxuu codsaday in Ruushka loo ogolaado in uu ku soo biiro NATO. Waxba kama suurtagalin oo waa tan markii danbe lagu duulay.
Sannadkii hore Putin oo casharkii NATO si fiican u fahmay waxa uu Iran u soo bandhigay heshiis difaac oo labada dal oo xataa Shiinuhu qayb ka noqon karo, oo macnuhu ahaa haddii dal kamid ah isbahaysiga lagu soo duulo waxay la midtahay kan kale oo lagu soo duulay. Iran way diiday heshiiska difaaca, ayada oo u sababaysay in ay rabto xiriir dhow oo ay la yeelato Maraykanka. Wixii ka danbeeyey waa la ogaa, maantana waxaa Moscow ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo loo malaynayo in uu rabo in heshiiskaas mar kale dib loogu noqdo.
Kim Jong-un maalin lama heshiin Maraykanka iyo reer Galbeedka asaga oo markasta daliil uga dhigayey “Wax la aamini karo karo ma aha!” Wuxuu kale oo uu si bareer ah u sheegay, “Nin aan gacantaadu kaa dhicin, baryo kaama dhiciso.”
Haddaba maxay Waqooyiga Kuuriya kal hore fahamtay oo adduunka intiisa kale weli fahmi la’yahay?
Daljir Media


COMMENTS