Afrika, Ruushka iyo Shiinaha: Afrika oo biloowday in ay ka xoroowdo gumeystaha reer Galbeedka
Xogta dagaalada ka aloosan adduunka kaga bogo maqaalkan
Waxaa sii xoogeysanaya xiriirka ka dhexeeya Afrika, Ruushka iyo Shiinaha. In kasta oo xiriirku uu si xawli ah uga socdo badi Afrika, Galbeedka Afrika waxaa ka socda dagaal adag oo waddamada Saaxilka Afrika ee Mali, Niger iyo Burkina Faso ay kula jiraan gumaystaha reer Galbeedka, siiba Faransiiska iyo Mareykanka. Saddexdaas waddan oo hadda ku midoobay fadareeshanka Saaxilka (AES) waxay dhulkooda ka saareen dhammaan shirkadihii reer galbeedka ee guran jiray khayraadkooda, haba ugu badnaado dahabka iyo macdanta kale ee qaaliga ah. Waxay xireen dhammaan saldhigyadii Mareykanka iyo kuwii Faransiiska. Laakiin Mareykan iyo faransiis saas kuma ay aamusin ee waxay saddexda dal ku soo fasaxeen wixii argagixiso DAAC!SH ee galbeedka Afrika joogay. Maanta saddexdaas dal ee Galbeedka Afrika oo kaashanaya Ruushka waxay tartiib-tartiib dalalkooda uga sifaynayaan aragagixisada I^SIS.
Maanta waxaan idin la qaybsanaynaa xogta waraysi uu bixiyey sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Mareykanka oo magaciisa la yiraahdo Scott Ritter. Scott wuxuu ka sheekaynayaa sida uu u xoogaysanayo xiriirka Afrika, Ruushka iyo Shiinaha, iyo sida Ciidamada Afrika Koor oo ah qayb kamid ah ciidamada difaaca Ruushka ee Qaaradda Afrika ay qayb weyn uga qaadanayaan sidii Afrika isaga sifayn lahayd gumaystaha reer Galbeedka.
Scott wuxuu sharraxayaa waxa Afrika ku khasbay in ay diido gumaystaha reer Gabeedka, noocuu rabo ha ahaado, noocii hore ee gumeysiga tooska ahaa oo toos khayraadka u daldalan jiray iyo nooca cusub ee isla sidii khayraadka u daldasha, laakiin dadka ku mashquuliya xuquuq iyo jinsiyo aan jirin iyo argagixiso ay abuureen.
Scott wuxuu sharraxayaa sida Shiinuhu u soo galay Afrika, u dhisayso jidadkii ay Afrika baahida weyn u qaybtay. Wuxuu sharraxayaa NATO maxay u taraysaa Afrika ama hore ugu qabatay, waa waxba buu ku jawaabayaa. Scott oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri, NATO waa isbahaysi ciidan oo Afrika u sheega in ay ammaanka kala shaqaynayaan, waxna ma taraan.
Scott wuxuu leeyahay, arag Ruushka iyo Afrika Koor iyo waxa ay ka qabteen ammaanka Afrika. Wax la taaban karo ayey qabteen. Marka NATO ciidan ahaana lama tartami karto Ruushka, dhaqaale ahaana uma soo dhawa Shiinaha. Waxa kaliya oo NATO u soo haray waa in ay hadba dal Afrikaan ah qalalaase ka abuuraan, taasna waxaa ku filan oo ka hortaga ciidamada Ruushka ee Afrika Koor iyo ciidamada ay tababareen ee dalalka la rabo in qalalaase laga abuuro. Wuxuu ku darayaa in NATO hadda soo kaxaysteen ciidamo Ukraine oo sida aragagixisadii Afrika hadda fara ba’an ku haya, sida Sudan, Libya iyo waliba qaybo kamid ah galbeedka Afrika.
Wuxuu ku sii daray, NATO maanta cidina Afrika kama rabto, maxaa yeelay wax aan dhib iyo dhac ahayn uma hayaan Afrika. Ku miisaan waxa Ruushku hadda tarayo Afrika oo Burkina Faso hadda u dhisayaa warshad Nukliyeer ah oo korontada dalka oo dhan gaarsiin doonta, taasina dhallin doonto in macdantii hore ayada oo dhagaxaan ah laga guran jiray hadda lagu sifeeyo Burkina Faso, taasina waxay sii dhalaysaa in gaadiidkii korontada ku shaqeynayey ay maanta Burkina Faso sanceyso. Bal ku miisaan Faransiiska oo aad u dhisa warshadaha nukliyeerka laakiin aan maalin u soo jeesan Burkina Faso. Uma arkaan dad ee waxay u arkaan meel la dhaco oo kaliya faa’iido u ah faransiiska iyo dhaqaalaha faransiiska buu Scott leeyahay.
Scott ayaa intaas sii raacshay, bal arag Ruushkii baa yimid oo waxay yiraahdeen sidee idiin caawin karnaa? Warshadihii bay la dhisayaan. Jidadkii bay la dhisayaan. Dhaqaalihii baa kor u kacaya. Bal ku miisaan waxa Ameerika u qabato Afrika. Ceel bay tuulo ka qodaan markaas bay inta sawiro ka soo duubaan yiraahdaan, nala arka dadkii tuulada hadda ceel biyood baan u qodnay oo biyo saafi ah bay cabayaan, waa biyo gacanta laguu bambi gareeyey, deedna qof walbaa cariishkii ku laabanayo oo wax hormar kale ah uusan jirin. Ku miisan Ruushka oo yimid oo yiri ceelku waa in uu noqdaa warshad biyo galin, qof kastana biyuhu gurigiisa ugu yimaadaan. Dadkiina guryo casri ah iyo jidad baan u dhisaynaa, markaasna waxaa imaanaya warshadihii, dadkiina shaqooyin bay helayaan, bangiyadii baa imaanaya, dadkii lacag bay yeelanayaa, markaas Afrika waa horumaraysaa oo Yurub la tartamaysaa. Laakiin Yurub iyo Ameerika taas ma rabaan. Waxaa ka go’an in ay khayraadka Afrika daldashaan, Afrikana aysan madaxa kor u qaadin. Scott wuxuu leeyahay, Yurub iyo Ameerika qorshahoodu waa in ay qori kaa gadaan si loo ba’o, laakiin qorshaha Ruushka iyo Shiinuhu waa mid kaas ka duwan, oo waa mid hormar ku salaysan.
Haddaba dhegaystaha Soomaaliga hadda ma fahmay waxa maanta addunka lagu dagaalamayo, mabaadiida ka danbeysa, iyo macnaha ka danbeeya aragagixisada? Ma fahamtay macnaha dagaalka Qasa, kan Iiran, kan Ruushka, iyo kan ka socda Galbeedka Afrika? Ma fahamtay sababta Mareykanku qoryaha ugu sifaysanayo Shiinaha? Ma fahamtay sababta madaxda Soomaalida loogu oggolyahay in lacagta deeqaha ah ay dhacaan oo haddana dhigtaan isla bangiyada reer Galbeedka? Waligaa ma aragtay siyaasi tuug Afrikaan ah oo Yurub iyo Ameerika dabagalayso oo lacagta ay dheceen inta ka soo celiyaan dib ugu celinaya dalkii laga soo dhacay. Jawaabtu waa maya, maxaa yeelay qorshahoodu hormar ma aha ee waa qorshe gumeysi, waana sababta ninba nin inta uu ka liito madax looga dhigo Soomaaliya ama dal kasta oo Afrika, kii xoogaa xiniinyo ah muujiyana isla markiiba loo tuuro ama xataa la dilo.
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
Dhawaan la soco maqaalka oo maqal iyo muuqaal ah.
> Daljir Media


COMMENTS