WACAAL DAREH AH | Warbaahinta Mariv ee Israa’iil ayaa baahisay in heshiis nabadeed oo uu dhexdhexaadinayo Trump ay qarka u saaranyihiin in “Netanyahu iyo Al-Golani ay wada saxiixdaan.”
Al-Golani oo ahaan jiray madaxii hore Daac!sh Suuriya ayaa xukunka ka tuuray Bashir al-Asad, noqdayna madaxweynaha Suuriya asaga oo taageero lixaad leh ka helaya Mareykanka, Turkiga iyo Israa’iil. Hawlgalka Mareykanka ee al-Golani xukunka keenay, socdayna tan iyo sannadkii 2012 ayaa ah hawlgalka caanka noqday ee Timber Sycamore, kaas oo keenay in Mareykanku la wareego ilahii dhaqaalaha Suuriya oo ay ugu horreyaan shidaalka iyo beeraha, kana dhigay Suuriya dalalka ugu faqiirsan adduunka. Hawlgalka Timber Sycamore ayaa shacabka Suuriya iyo Carabta Khaliijka ka dhaadhiciyey in dhibka Suuriya haystaa uu yahay hoggaan xumida Bashar al-Asad.
Tan iyo intii uu Golani xukunka Suuriya la wareegay, Isra waxay dhulka dhigtay difaacii hawada ee Bariga Dhexe ugu sarreeyey ee Suuriya, waxay kale oo ay dhulka dhigtay saldhigyadii waaweynaa ee Suuriya ee Buuraha hoostooda.
Daljir Media


COMMENTS