MAXAMED BIN SALMAN OO QIRAY IN REER GALBEEDKU KU KHASBAY FAAFINTA WAHAABIYADA OO WELI WADAADO BADAN OO SOOMAALIYEED SII FAAFINAYAAN

MAXAMED BIN SALMAN OO QIRAY IN REER GALBEEDKU KU KHASBAY FAAFINTA WAHAABIYADA OO WELI WADAADO BADAN OO SOOMAALIYEED SII FAAFINAYAAN

RAADRAACA TAARIIKHDA IYO MAXAMED BIN SALMAN OO QIRAY IN REER GALBEEDKU KU KHASBAY FAAFINTA WAHAABIYADA OO WELI WADAADO BADAN OO SOOMAALIYEED SII FAAFINAYAAN

Tan iyo dagaalkii Israa’iil ku qaaday Qasa iyo Iran iyo waliba sidii xukunka Suuriya ay ula wareegeen Wahaabiyiinta uu hoggaamiyo Madaxweyne al-Golani, waxaa xasaska si tartiib-tartiib uga soo baxaya wadaado iyo dhallinyaro badan oo Islaan sheegayana, laakiin arrinka Qasa uusan dhib ku hayn, Iran ayagana u arka dal loo baahanyahay in wadaadada haysta ayana xukunka looga tuuro sidii Bashaar al-Asad oo kale.

Qoraalkan kooban waxaan ku soo qaadaneynaa waraysi Maxmed bin Salmaan, Boqor-sugaha Sucuudi Carabiya ahna ninka hadda talada haya, uu jaraa’idka Washington Post siiyey 22kii bishii Maarso sannadkii 2018 (https://www.moroccoworldnews.com/2018/03/91110/spread-wahhabism-done-request-west-cold-war-saudi-crown-prince/?fbclid=IwY2xjawLNhkFleHRuA2FlbQIxMQABHvtB-kwcNHTbSk0YSKt50QSOGb8LTLG5PMY2lXgg0ApO9aSZBuVY8dneHOox_aem_mqs1be188e42Q5VD1LTLug). Waraysigaas oo uu qaaday wariyaha David Ignatius wuxuu bin Salmaan si cad wariyaha ugu sheegay (arag xiriiriyayaasha bogga falceliska bulshada), annaga oo raacayna amarada saaxiibadeen waxaan si xawli ah u faafinay dariiqada Wahaabiyada oo diinta gaf ku ah si aan uga hortagno Midowgii Soofiyeetka. Wixii intaas ka danbeeyeyna annaga oo hawlgalineyna dugsiyada Quraanka (madarasooyinka) iyo Masaajidada waxaan maalgalinay faafinta Wahaabiyada, waxaana ku faafinay dhammaan dalalka Muslinka.

Asaga oo hadalka sii wata wuxuu yiri, dawladihii Sucuudiga ee iga horreeyey waxay qaf ka galeen diinta, marka waa in aan hadda u hawlgalnaa joojinta dariiqadaas Wahaabiyada. Warkaas wuxuu bin Salmaan sheegay 7 sano kahor, laakiin Sucuudigu wuxuu weli si xawli ah u faafiyaa Wahaabiyada. Ku sii dar o si Wahaabiyiintu u kala qaybiyaan Muslinka waxay ka beensheegaan Shiicada ayaga oo faafiya in Shiicadu aysan Nabi Maxamed (NNKH) rumeysneyn.

Maxamed bin Salmaan waxaa kale oo uu waraysigaas iyo kuwo ka danbeeyeyba ku sheegay in hadda hay’adaha Sucuudigu ay maalgaliyaan faafinta Wahaabiyada.

Xaggee u malaynaysaa in laga soo maalgaliyey wadaadada Wahaabiyiinta oo xilligan la joogo weli Soomaaliya ku faafinaya in Shiicadu aysan Muslin ahayn oo Yuhuuda difaaca, Golaaniga Suuriya garab u ah, Qasana aan dan ka lahayn?

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com