Boosaaso: Masuuliyiin katirsan Dawlada Puntland, ayaa u tegey dhaawacyadii Dagaalka Calmiskaad oo saaka mudaharaad ka sameeyey magaalada Boosaaso, Ciidamadan oo kamid ah geesiyaashii kusoo dhaawacmay dagaalka Argagixisada Daacish ee Calmiskaad, ayaa cabasho kamuujiyey xaaladooda daryeel ee Cusbitaal ka Boosaaso oo ay kujireen.
Masuuliyiinta Dawlada ayaa ciidamadan ku qanciyey inay joojiyaan mudaharaadka oo sababay inay xirtaan wadada hormarta Cusbitaal ka weyn. Waxaana loo sameeyey balan qaad ah in wax laga qaban doono tabashada ay qabaan.
Daljir Media.


COMMENTS