Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee maamulka SSC-Khatumo ayaa kulan muhiim ah la qaadatay warbaahinta deegaanka, gaar ahaan kuwa ka howlgala caasimadda maamulka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray doorka warbaahinta ee nabadgelyada, midnimada bulshada, iyo ilaalinta anshaxa suxufiga.
Kulanka oo uu shir guddoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Eng. Abdirahman Yusuf Abdihafid, ayaa lagu adkeeyey in warbaahintu ka fogaato wararka kicin kara khilaafka bulshada ama dhaawici kara midnimada deegaanka. Agaasimaha guud wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in warbaahintu noqoto mid ka tarjumeysa danta guud, kana shaqeysa wacyigelinta bulshada iyo kobcinta nabadda.
Intii uu socday kulanku, waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey baahida loo qabo in la helo hannaan wada shaqayn leh oo dhexmara wasaaradda iyo hay’adaha warbaahinta, si loo gaaro himilooyin wadajir ah oo ku saabsan horumarinta deegaanka iyo ilaalinta sumcadda maamulka SSC-Khatumo.
Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaadyo la xiriira wada shaqayn joogto ah oo dhexmarta warbaahinta iyo wasaaradda.
Mohamed Koronto | Daljir SSC-Khaatumo


COMMENTS