Ukraine oo qar ka laalaada iyo Mareykanka oo wajahay “dani waa seeto!”

Ukraine oo qar ka laalaada iyo Mareykanka oo wajahay “dani waa seeto!”

Kulan-taleefoonkii shalay ee Putin iyo Trump kabacadi, oo Putin si cad Trump ugu sheegay in dagaalku soconayo illaa laga gun-gaaro goolasha dagaalka, su’aasha saaka la isweydiinayaa waa, “Ruushku ma la wareegi doonaa Ukraine oo dhan, mise wuxuu ku ekaan doonaa illaa iyo xeebta Odesa oo Ukraine inta yar ee soo harta wuxuu ka dhigi doono bad la’aan.”

Lama hubo mid ay noqon doonto, laakiin waxaa hubaal ah Ukraine oo saaka si daran u holcaysa, waxaa kale oo hubaal ah in Ruushku jabkii sofiyeetka kabacadi maanta fahmay waxa loo socdaa in ay tahay jabka Ruushka, sidaas darteedna uusan yeelin doonin dhoolacaddayn danbe oo reer Galbeed. Haddaba waa maxay dhoolacadaynta maanta ee Trump iyo tii Macron ee maalmo kahor uu mid walbaa Putin ka codsanayey in dagaalka Ukraine la joojiyo?

Jawaabta oo kooban waa, reer Galbeedku waa hub la’aan, siiba waxaa wada maran haamihii kaydka gantaalada lidka gantaalada iyo kuwa lidka diyaaradaha, oo awalba ayaga oo sii gabaabsi ahaa bay waxay ku khamaareen dagaalkii Iran oo rajadoodu ahayd in ay maalmo gudahood xukunka ka tuuraan xukuumadda hadda jirta oo ay saartaan mid taabacsan afkaarta reer Galbeedka. Laakiin khamaarkii waa ku khasaareen, oo waa mar e Iran waa sii xoogaysatay, waana mar kale e, waxaa ku martay gantaaladii lidka gantaalada, taas oo keentay in Mareykanku soo galo dagaalka dabadeedna Trump ku dhawaaqo xabbad-joojin.

Jawaab kalena waa Israa’iil, oo markii ay dagaal noqoto, Mareykanku waxa uu hayo wuxuu u hayaa Israa’iil, sidaas darteed mar haddii hubkii gabaabsi yahay waa in Ukraine meel cidla ah looga dhaqaaqaa, ama ‘colka waraf lagu dayaa,’ oo hadda warafku yahay baryo Ruushka laga baryayo in uu dagaalka joojiyo oo uu nabad qaato.

Laakiin Ruush iyo reer Galbeed isbarte oo ayada oo Ruushkii la baryayo baan haddana waxaa hadda la qorsheynayaa in aag dagaal oo cusub Ruushka looga furo dhanka Azerbaijan, maadaama Caliyevka Azerbaijan loo arko xaabo kale oo sida Ukraine mar kale loo shidan karo.

Saas oo xaal yahay, Yurub dhankeeda, ayada oo bilaa dhaqaale ah, oo bilaa hub ah, weli waxay ku goodineysaa in ay dagaal u diyaargaroobayso. Laakiin ha moogaan markii dhaqaaluhu liito dagaalku waa qorshaha koowaad ee dhaqaale abuurka, si looga hortago kacdoon bulshana waa in 25 jirka Yurub jooga oo haddii kacdoon dhaco safka hore soo istaagaya loo abuuro dagaal sida xaabadii loogu shito. Sida laga bartay dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee dunida, dagaalku waa danta koowaad ee bangiyada, dhallintuna waxaa xaabada dabaqadda sare.

Daljir Media

Warbixinta oo maqal iyo muuaqaal ah:

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com