Shiinaha oo markii ugu horraysay si qayaxan u sheegay in uu Ruushka la garab yahay

Shiinaha oo markii ugu horraysay si qayaxan u sheegay in uu Ruushka la garab yahay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa si qayaxan oo aan gabasho lahayn ugu danbeyn u sheegay in “Shiinuhu uu Ruushka la jiro, uusanna aqbali doonin in Ruushka la jabiyo, maxaa yeelay haddii Ruushka la jabiyo waxa loo soo socdaa waa Shiinaha.”

Mowqifka Shiinaha ee la safashada Ruushka ayaa lagu macneeyey mid dhanka dibloomaasiyadda iyo dhaqaalaha ah ee aan ahayn dhanka militariga. Dawladda Waqooyiga Kuuriya ayaa ah dawladda kaliya ee ciidamadeeda la sheegay in ay goobaha qaar ka garab dagaalamayaan Ruushka. Dawladda labaad ayaa ah Iran ayda oo wajigii hore ee dagaalka Ruushka ku taageertay darooniska nooca caanka noqday ee loo yaqaan Shaheed.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com