Afqanistaan oo Mareykanka dagaal kula jirtay muddo dhan 20 sano, horena Ingiriiska la gashay saddex dagaal ee lagu hoobtay ee kala ahaa dagaalkii koowaad ee Anglo-Afghan War (1839-1842), dagaalkii labaad ee Anglo-Afghan War (1878-1880), iyo dagaalkii saddexaad ee Anglo-Afghan War (1919) oo ugu danbeyn ay xornimada ku heshay, waxay maanta Afghanistan oo iska caabisay cadow kasta oo ku soo duula aqoonsi buuxa ka heshay dawladda Ruushka.
Aqoonsiga Ruushka ayaa la sheegay in uu dhabarjab weyn ku yahay siyaasadda reer Galbeedka oo tan iyo qarnigii 18aad ku haminayey in Afqanistaan oo ah albaabka laga soo galo Eurasia ay hantiyaan. Afqanistaan waxaa dhinacyada daris kala ah Iran, Pakistan, Shiinaha, iyo dalalka Bartamaha Aasiya oo Afqanistaan la’aanteed aan reer Galbeedku haysan albaab ama dhul ay u soo maraan (si aad u fahamto istaraatajiyada Afqanistaan, arag maabka hoose).
Afqanistaan waxaa kale oo ku duugan macdano qaali ah oo lagu qiimeeyey wax ka badan $1 tirilyan USD. Waxaas oo maal iyo istaraatajiyad dhuleed ah oo reer Galbeedku ku hanweynaa in ay hantaan hadda waa ka rajo dhigeen.
Shiinaha iyo Iran ayaa la filayaa in ay ayana aqoonsan doonaan dawladda Afqanistaan.
> Daljir Media


COMMENTS