Siyaasi Ismaaciil Xaaji Warsame oo farriin culus u diray Madaxweyne Deni: “Sii daa masharaariicda Mudug oo ogow reer Mudug asxaan kaa baryi mayaan, kaliya waxay rabaan xaqooda”

Ismaaciil Xaaji Warsame, Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland xilligii Cabdullaahi Yusuf, oo kamid ahaa taageerayaasha Madaxweyne Deni xilligii doorashada ayaa farriin kulul hawada u mariyey Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni. Farriinta ayaa xambaarsan mashaariicda deeqbixiyayaasha ee Mudug, siiba jidadka Gaalkacyo-Garoowe, Gaalkacyo-Galdogob, iyo Jidka Garacad.

Ismaaciil ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Deni in uu mashaariicda Mudug ka dhigtay kuwo uu Xasan Shiikh kula dagaalamo, oo uu Mudug afduub ku haysto, kana horistaagay wax horumar ah, haba yaraadee.

IHW ayaa eedaha Madaxweyne Deni ka dhanka ah ku daray Gegida Diyaaradaha Gaalkacyo, asaga oo sheegay in Deni yiri, “Gaalkacyo uma baahna gegi diyaaradeed. Dadkeedu ha isticmaaleen kan Bossaso iyo Garoowe.”

IHW ayaa Deni kula taliyey in uu degdeg u sii daayo mashaariicda Mudug inta aysan reer Mudug furka xoorin, kuna sii daray, “Reer Mudug asxaan kaa baryi mayaan; waxay kaa rabaan xaqooda horumarineed iyo sharaftooda aad hore u inkirtay, laakiin aysan illaawin.”

Ismaaciil ayaa ku soo gabagabeeyey, “Siciid Cabdullaahi Deni laba mid ha doorto. Ha doorto in lagu xasuusto nin dadkiisa kala qaybiyay oo siyaasadda u adeegsaday si khiyaano ka buuxdo, ama fadhiga ha ka kaco oo qaladaadkiisa ha saxo, hana u dhaqmo sidii hoggaamiye gobolada Puntland ay u simanyihiin. Kaa rabtid dooro, natiijada ay dhashana waa mid adiga kuu gooni ah.”

Maqaalka oo afka Ingiriiska ku qoran halkan riix: https://daljir.com/wdm-editorial-regional-state-president-said-abdullahi-denis-anti-development-policy-towards-mudugh-region-backfires-on-him/

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com