Doon Lala Qabtay oo Kusoo Caariday Xeebta Il-Focshe, Jariiban

Doon Lala Qabtay oo Kusoo Caariday Xeebta Il-Focshe, Jariiban

WACAAL DARAY AH | Xeebta deegaanka Il-focshe ee Degmada Jariiban gobalka mudug waxaa fiidkii hore ee caawa kusoo cariday Dooni raran oo ay saaran yihiin 5nin oo isugu jira soomali iyo ajaanib.

Waxaa goordhow halkaas gaaray Ciidamada amniga deegaanka Garacad iyo dadka deegaanka say u ogaadaan waxa saaran doonida, wararka qaar ayaa sheegaya in doonidu ay sido ciid ama carro walow aysan jirin war faah faahsan oo kasoo baxay sarakiisha ciidanka ee halkaas gaaray, Dadka deeganka ayaa noo xaqiijiyay in gacanta lagu hayo hadda doonidaas iyo raggii wataybe ayne ciidanku wadaan bariitaano. Wixii kasoo kordha wararkaasne isha ku hay Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com